aflaamta Hindida waxa ay aflaamta kale oo ay sameeyaan dalalka kale ay kaga duwan yihiin in aflaamtooda uu leeyahay heeso macaan iyo dance shidan iyadoo dadka inta badan ay si weyn u garanayaan fanaaniinta dalka india

laakiin waxaa daawadeen heesooyin fara badan oo caan ah idinkoo si weyn aad ugu hashayn qaabka iyo dance-ga aktarka laakiin xaqiiqda ayaa waxa ay tahay inuu jiro shaqsi xaq u leh in lagu amaano

Saroj Khan

saroj waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan cheaography kuwaaso ah dadka aktarada u sameeya dance-ga Heesaha iyadoo dance u sameesay in ka badan 200 heesood

sidoo kale saroj waxa ay dhax-dhaxaadiye ka noqotay dhawr show oo caan ah sida 2000 songs and has also judged many reality shows like Nach Baliye, Jhalak Dikhla Jaa, iyo Boogie Woogie

waxaana ay saroj ku guuleystay abaal-marinada kala ah 3 jeer waxa ay ku guuleysatay abaal-marinta National Film Award best choreography waxaana lagu siiyay dance-ga Heesaha kala ah Dole Re Dole ( Devdas) , Yeh Ishq Haaye ( Jab We Met) iyo heesaha ku jirayn filimka dhaqan hinduga ka hadlaya ee Sringram

sidoo kale Saroj khan waxa ay ku guuleysatay 8 Jeer abaal-marinta Filmfare iyo abaal-marinta American choreography award oo lagu siiyay filimka Lagaan

Farah khan

gabadhan marka la joogo bollywoodka waxa ay leedahay xirfadooyin kala duwan sida director , aktar iyo filim soo saare laakiin farah khan waxa ay fanka soo gashay iyadoo ah qof sameeya sameeya Dance-ga heesaha iyadoo lagu xasuusto inay dance u samaysay heesooyin ka badan 80 heesood

waxaana ka mid ah heesaha sida ek pal ka jeena ( ka ho naa pyaar hai)  idhar chala mai u dhar chala ( koi mil gaya) it’s the time to disco( kal ho na ho) zamaana deewana , pehla nashaa ( jo jeeta woh sikander) chaiya chaiya ( dil se) , Sheila ki jawaani ( tees maar khan) iyo heesooyin kale oo badan sidoo kale waxa ay farah khan dance u sameesay filimka jackie Chan ee kug fu yoga

Shiamak Davar

shaimak waa shaqsi ku caan baxay samaynta dance-ga Heesaha maadama uu dance u  diyaariyay heeso caan ah waxaana uu ku guuleystay abaal-marinta national awards for best cheography filimkii dil toh pagal hai

shaima heesaha uu  dance-ga u sameeyay waxa ka mid ah dhamaan heesaha ku jirayn filimka taal, dhoom 2, rab ne bada jodi, taare zameen par , kisna , jagga jasoos isagoo xitaa dance-ga u sameeya aktarada xiliga lasoo ay bandhig masraxeed u qabanaayaan filmfare iyo iifa isagoo dance u sameeyay akatarada kala ah shahid kapoor, varun dhawan iyo sushant singh rajput

Ganesh acharya

kani waxa lagu tilmaama shaqsiyaadka ugu caansan cheaography ah isagoo dance u sameeyay heesaha ku jirayn aflaamta kala ah singham , bodyguard , abcd 2 iyo bajirao mastani isagoo ku guuleystay abaal-marinta national awards for best cheography heeskii malhaari kaaso ku jirtay filimka bajirao mastani

Ganesh hedge

ganesh kaliya maahan qof dance sameeye sidoo kale waxa uu yahay heesa iyo diyaarinta muuqaalada heesaha ninkan gudaha hindiya waxa ka yahay caan sababtoo ah waxa uu mar u tartamay abaal-marinta oscar

weliba waxa uu u tartamay hees ku jirtay filimka lagaan sidoo kale ganesh waxa uu dance u diyaariyay heeso caan ah sida tukur tukur ( Dilwale) , chammak chalo ( Ra one) , mast mahaul mein jeene de (fiza) , khallas ( company) iyo heeso kale oo badan ganesh waxa uu dhex-dhaxaadiye ka noqday Barnaamijka Jhalakh dikhhla jaa qaybo kala duwan

Remo D’souza

Remo d’souza waa shaqsiga hadda ugu caansan shaqsiyaadka sameeya dance-ga sidoo kale ninkan waxa uu yahay director isagoo sameeyay filimkii race 3 hadda waxa uu duubis ku wadaa filimka street dancers kaaso ay wadaan Varun dhawan iyo Shradha kapoor

ninkan waxa uu ku guuleystay abaal-marinta national awards for best cheography heeskii deewani mastani ee ku jirtay filimka bajirao mastani remo d’souza waxa uu dance u sameeyay heeso ay ka mid yihiin badtameez dil ( yeh jawaani hai deewani ) disco deewana ( student of the year) , sun saathiya ( abcd 2) iyo kuwa kale oo badan hadda waxa uu dhex-dhaxaadiye ka yahay showga dance + 4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here