bollywoodka waa kaliya ma sameeyaan aflaamta shactirada iyo kuwa action ka ah sidoo shirkadan waxa ay lagu yaqaano samaynta aflaamta qiirada sida xariirada qoyska ka dhaxeeya
waana mid ay kusoo jiitayn qoysas fara badan bollywoodka sida dhabta waxaa qayb ka ah aktaro walaalo ah nolosha caadiga sida Salman Khan Iyo Arbaaz Khan , Karishma Kapoor Iyo Kareena Kapoor Iyo kuwa kale oo badan laakiin maanta waxan ku hayaa 6 filim kuwaaso lagu bandhigay xariirka walaaltinimada ka dhaxeeya gabar iyo wiil
iqbal

filimkan waxa uu ka hadlaya xariirka adag ee ka dhaxeeya labo walaalo ka dib markii gabar 18 jir ah ay walaalkeeda ka caawinayso siduu uu ku gaari lahaa hamigiisa kaaso ah inuu noqdo shaqsi caan ah kaaso ciyaarta Cricket
Shreyas Talpade iyo Shweta Prasad
Iqbal ayaa bandhigooda filimkan waxa ay u horseedayn inuu iqbal uu ku guuleysto abaalmarinta National awards on other social issues waana ah Filimka ugu Fiican kaaso ah ka hadlaya Arrimaha Bulshada sidoo kale waxaa filimkan bandhig fiican kusoo bandhigayn aktarada kala ah Naseeruddin Shah iyo Girish Karnad
Agneepath

filimkan waxaa hogaamiye ka ah aktarka hrithik roshan kaaso filimkan uu ku soo bandhigay bandhig cajiib isagoo markan aktarkan uu shaashada kaga horyimid aktarka sanjay dutt laakiin xiisaha filimkan maysan qaadanin xifaaltanka ka dhaxeeya labadan aktar
sidoo kale filimkan waxaa lagu soo bandhigay xariirka qiirada badan kaaso dhaxeeya labo walaalo ah iyadoo hrithik mar walba uu difaacaayo walaashiisa sidoo kale aktarkan ayaa filimkan ku muujinayo sida uu u jecel yahay gabadha walaashiisa ah qaasatan heeska Abi Mujh Mein Kahi
Pyaar Kiya To Darna Kya

filimkan shactirada iyo jaceylka ah kaaso ay hogaaminayaan aktarada kala ah Salman Khan iyo Kajol sida dhabta Salman iyo Arbaaz khan waa walaalo nolosha caadiga ah laakiin filimkan Arbaaz Khan waxa uu kusoo bandhigay waxqabadka awoodeed ee walaaltinamada iyo sida uu u jecel yahay walaashiisa Muskan (Kajol) isagoo mar walba isku dayaya inuu walaashiisa ka ilaaliyo dadka Indhaha xun ku fiiriya bulshada dhexdeeda.
Dil Dhadakna Do

Dil Dhadakne waa filim cajiib ah oo ah kaaso ay si weyn kaga helayn qoysaska dalka India ah oo dhan halka Priyanka Chopra iyo
Ranveer Singh kuwaaso ciyaaray doorka ay walaaltinamada iyagoo shaashada filimkaas kusoo bandhigayn yihiin walaalo dhab ah ayaa Filimku waxa uu ahaa mid aad u qiiro badan sidoo kalena lagu soo bandhigay jaceylka ka dhaxeeya labo walaalo
Josh

Shah Rukh Khan iyo Aishwarya Rai Bachchan Cidna shaki ma gelin karto bandhiga filimkan ay kusoo bandhigayn iyagoo ah labo aktar caan ah ayay sidoo kale muujiyeen inay matali karaan labo walaalo ah
filimkan Josh kaaso lagu jilay magaalada Goa, Shah Rukh Khan ( Max) ayaa isagoo yar waxa uu dusha saarana sidii uu daryeeli lahaa walaashiisa .
Fiza

filimka Fiza ayaa waxaa lagu nagula tusay sida aysan u kala maarmin walaalaha W oo uu keenay Jodi aan caadi ahayn oo ka mid ah Karisma Kapoor ayaa bandhigeeda filimkan u qalantay wax walba oo abaal-marin ah iyadoo qof walba uu la cajabay dhibaatada adag ay ka marayso sidii ay kusoo celin lahayd walaalkeeda
iyadoo tagaysaa xafiis walba iyo tv walba Hrithik Roshan ayaa filimkan waxa uu ku jilay karishma kapoor walaalkeeda Filimku wuxuu ahaa mid aad u sarreeya oo ah dareen qiirada badan taaso laga soo min-guuriyay qiso hadda ka hor dhacday taaso gabar baadi-goobaydaa walaalkeed lumay kaaso lagy waayay intii uu socday rabshadihii Bombay 1993-kii.