Ayushmann Khurrana, Shahid Kapoor, Vicky Kaushal, Hrithik Roshan iyo kuwa kale oo badan ayaa sanadkaan Bollywood-ka wacdaro ka dhigeen filimo xiiso lehna la imaadeen xaqiiq ahaana waxay noqdeen madadaaliyaasha 2019 maadama aflaamtooda kuwa ugu waaweyn yihiin 2019 iyo kuwa ugu xiisaha badan.

Vicku Kaushal ayaa noqday atoore filim iibin kara sanadkaan maadama Uri uu Blockbuster u noqday, Ayushmann Khurrana ayaa dar dar kusocda waxuuna 2019 la yimid labo Filim guul weyn u gaareen oo kala ah Bala iyo Dream Girl.

Dhanka kale Shahid Kapoor ayaa Bollywood ku qabsaday mashruuciisa Kabir Singh oo kamid ah Filimada ugu weyn 2019 sido kale Hrithik Roshan ayaa soo laabasho weyn sameeyay waxuuna la yimid 2 Filim oo guul weyn u gaareen misane kala ah Super 30 iyo WAR.

Jilayaasha aan sare kuxusnay waa madadaaliyaasha Bollywoodka sanadkaan 2019 balse waxaa loo xiisay jilayaal ay kamid yihiin Shah Rukh Khan, Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Ranbir Kapoor, Anushka Sharma, Jhanvi Kapoor iyo kuwa kale oo aan 2019 wax Filim ah la imaanin.

2019 Recap: Shah Rukh Khan, Deepika Padukone, Ranbir Kapoor – 6 Bollywood celebs who didn’t have a single release this year

Ranbir Kapoor: Jilaagan 2018 waxuu la yimid Sanju oo Blockvuster weyn u noqday balse 2019 wax Filim ah lama uusan imaanin waxuuna hader ku mashquulsan yahay Brahmastra oo la daawan doono 2020 waxuun rabaa in mashruucan guul taariikhi ah gaaro si uu u saxo khaladka ab in shaashada laga waayey 2019.

Deepika Padukone: 2018 ayee latimid Padmaavat kadib waa la waayey ilaa 2019 wax mashruuc ah lama aysan imaanin waana khalad ay caadeysatay xidigtaan hader 2020 waxaa u diyaarsan Chhapaak oo 10 Jan la daawan doono iyo 83 Filim la dhaho oo 10 April la daawan doono.

Shah Rukh Khan: Filimkii Zero ayaa ugu dambeyay wax Filim ah uu la yimaado kaaso 2018 la daawaday walina kuma uusan dhawaaqin Filimkiisa xiga ee uu duubis ku bilaawi doono inkastoo la isla dhexmaray inuh Director Atlee filimkiisa xiga uu sameeyn doono marna waxaa la laha Janaayo ayuu duubis ku bilaawa Filim Rajkumar Hirani iska leeyahau iskusoo wada duub majiro mashruuc uu kudhawaaqay xidigaan waxaa macquul ah 2020 markale in shaashadaha laga waayo.

Sara Ali Khan: 2018 ayee Bollywoodka timid 2 Filim ayeena ku bilaawatay oo kala ah Kedarnath iyo Simmba balse 2019 waa la waayey wax filim ah lama imaan waxayse 2020 la imaan doontaa Coolie.No1 iyo Aaj Kal oo labo filim kala duwan ah.

Jhanvi Kapoor: xidigtaan si lamid ah Sara waxay iyadana soo gashay Bollwyoodka 2018 kuna soo caan baxday Dhadak hase ahaate 2019 wax mashruuc ah lameysan imaan taasi bedelkeeda 2020 ayee soo wadaa labo filim kala ah Rooho Afza iyo The Kargil Girl oo ay dooneyso inee boorka isaga jafto markalena hadal heyn dhaliso.

Anushka Sharma: si lamid ah SRK xidigtaan Zero ayaa Filim ay la timaado ugu dambeyay balse wali wax Filim kale ah ma aysan saxiixan xidigtaan wixii ka dambeyay niyad jabkii Zero wararka waxay sheegen in Anushka mashruuc fiican ay baadi goob ugu jirto kaaso ay dooneyso inee soo laabasho weyn ku sameyso maadama Zero ka guul dareestay.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here