waxaan hore idinla wadaagnay warbixin ku saabsan Aktarada  Bollywood-ka  ka  tirsan  waxaa  hal  mar  ka  badan  guursaday  oo  caan  ah sids Aamir Khan,  Saif Ali Khan, Sanjay Dutt,  Javed Akhtar,  Dharmendra,  Iyo  Kishore Kumar.

Sidaa  daraadeed  waxaa  maanta  idinla  wadaagi  doona jilaayaasha Telegu ka  tirsan  oo  guursaday hal  mar  ka  badan

Fadlan hoos kaga bogo 6- jilaa  Telegu Ah Oo Guursaday Hal Mar Ka Badan

Kamal Hassan

Markii aktarkan jiray 24 waxa uu guursaday gabadha lagu magacaabo Vani Ganapathy taaso ahayd macalimad dhanka dance-ga ka waxa ay wada noolaayeen muddo wada laakiin waa ay kala tagayn

ka dib markii Kamal hassan uu jaceyl la bilaabay atariishada lagu magacaabo Sarika taaso sanad ka dib u dhashay atariishada Shruti Hassan ka dibna waxa ay u dhashay Akshara hassan

Jhansi

atariishada Jhansi ayaa waxaa hore u qabay nin iska caadi ah kaaso ay u dhashay labo caruurood ka dib markii ay fanka soo gashay ayaa waxa ay xariir la yeelatay aktarka lagu magacaabo Jagaphati Babu kaaso hadda qaba iyada

PrabhuDeva

aktarkan xirfada badan ayaa waxa uu muddo qabay  gabadha lagu magacaabo Ramalatha taaso u dhashay sadex caruurood laakiin labadan lamaane ayaa waxa ay kala tagayn sanadkii 2011

ka dib aktarkan waxa uu xariir la sameeyay dhawr atariisho oo caan ah sida Hansika Motwani isagoo si qarsoodi ah u guursaday atariishada Nayanthara ka dibna muddo ka dib ayay kala tagayn

Prakash Raj

Prakash Raj ( seer rabta ) ayaa muddo ka hor waxa  uu guursaday atariishada lagu magacaabo Lalitha Kumari taaso u dhashay sadex caruur oo lagu kala magacaabo Meghana , Pooja iyo Sidhu

laakiin waxa ay sanadkii 2009 go’aansadayn inay kala tagaan ka dib Prakash Raj ( see rabta ) sanadkii 2010 waxa uu shukaansi ku bilaabay gabadha heesaha u sameesa dance ee Pony Verma taaso ugu dambayn uu guursaday

Pawan Kalyan

Super Star Telegu Pawan Kalyan ayaa waxa uu markii hore guursaday Nandini iyagoo wada qaatayn muddo gaaban oo 2 sano waxa ayna kala tagayn sanadkii 2009 ka dib Pawan Kalyan waxa uu xariir la sameeyay gabadha  lagu magacaabo Renu desai

taaso la sameesay aflaamta kala ah Johnny iyo Badri iyagoo is-guursadayn waxaana ay u dhashay wiil iyo gabar ka dib markii ay muddo wada noolaayeen waa ay kala tagayn hadda Pawan Kalyan waxaa uu dhaxda gabadha u dhalatay dalka Russia Anna Luzhneva

Akkineni Nagarjuna

Nagarjuna sanadkii 1984 waxa uu guursaday gabadha naqshadeesa dahabka ee lagu magacaabo Laxmi Duggabati iyadoo u dhashay aktar caanka ah ee lagu magacaabo Naga Chaintanya

ka dib sanadkii 1990 waxa uu guursaday  Amala Akkineni iyadoo u dhashay aktarka lagu magacaabo Akhil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here