Xidigaha Tv-yada caanka ka ah ee qoysaska si wanaagsan isku bareen ayaa kis kis usoo galayaan shirkada Bollywoodka ayagoo markaana doonayaan in tiyaatarada waa weyn laga daawado iyadoo qorshahaan uusan ahayn mid hadda soo bilowday waxaa jira aktaro badan.

kuwaaso xirfadooda jilaanimo kasoo bilaabayn dhanka iyo musalsalada laga daawado Tv-Yada ka dibna waxa ay magac ka sameeyeen Bollywood-Ka haddaba aan isla ogaano aktaradaas caanka ah ee liiskan soo galaya

1. Shah Rukh Khan ninka loogu yeero The King of Bollywood ayaa waxa uu waayihiisa aktarnimo kasoo bilowday samaynta musalsalada laga daawado Tv-Yada isagoo qayb ka noqday musasalka lagu magacaabo Fauji waxaana Shah Rukh Khan musalsalkaas uu ku jilaayay doorka Commando Abhimanyu Rai laakiin Sanadkii 1992 waxa uu ku soo caan baxay filimkii Deewana

2. R. Madhavan aktarkan jilitaanka wanaagsan isagana waxa uu la mid yahay aktarada jilitaanka kasoo bilaabayn dhanka musalsalada isagoo sanadkii 2001 sameeyay sadex musalsal oo caan ah sida Howks , Ghar Jamai iyo Banegi Apni Baat ka dib isla sanadkaas 2001 waxa uu Bollywoodka kusoo galay filimka Rehna Hai Tere Dil Mein kaaso xitaa u suurta-geliyay inuu u tartamo aktarka ugu wanaagsan ee fanka ku cusub sanadkaas

3. Vidya Balan atariishadan waxaa lagu tilmaama atariishada ugu jiliinka wanaagsan bollywoodka iyadoo waayaheeda jilaanimo kasoo bilowday samaynta musalsalada iyadoo wax ka jishay musasalka lagu magacaabo Hum Paanch ka dib sanadkii 2005 waxa ay kusoo caan baxday filimka Parineeti

4. Ayushman Khurana aktarka maalmahan ay ugu jirto ee Ayushman Khurana waxa uu kusoo caan baxay filimkii Vicky Donor sanadkii 2012 laakiin ka hor filimkaas aktarkan waxa uu samayn jiray musalsalada isagoo kasoo muuqday dhawr musalsal sida musalsalka caanka ee Kayamath kaaso soomaalida u taqaano Baraaji

5. Yami Gautam atariishadan dadaalka badan iyadana sanadkii 2012 waxa ay filimka Vivky Donor kula soo caan baxday aktarka Ayushman Khurana laakiin xirfadayda jilaanimo waxa ay kasoo bilowday samaynta musalsalada iyadoo wax ka jishay musasalada sida Yeh Pyaar Na Hoga Kam

6. Sushant Singh Rajput waa atoore caan ah kaaso Tv-yada markii hore ka shaqeen jiray waxuuna sameyay musalsalo badan sida Pavitra Rishta iyo kuwa kale oo badan ka dib aktarkan waxa kusoo caan baxay filimka Kai Poche sanadkii 2013

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here