waa arrin la yaab leh dadka qaar iyagoo ku jira xiliga dhalin-yarada ayay u eg-yihiin kuwa duq ah laakiin atariishadan door walba sameyn karta ee Dimple Kapadia waxa ay inoo sheegaysa inaysan jirin 61 sano

madaama ay weli u muuqato gabar yar dimple ayaa soo xiratay dhar shidan sida surwaal jeans ah iyada waxa ay dhalatay 8 june 1957 waana 61 sano waxa ay bollywoodka soo gashay sanadkii 1973

iyadoo kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo bobby waxaana la waday aktarka rishi kapoor dimple waxa guursaday super starkii kowaad ee india ninka lagu magacaabo Rajesh khanna waxa uuna geeriyooday sanadkii 2012

Dimple kapadia waxa ay Rajesh khanna ka  yarayd da’ ahaan 15 sano waxa ayna sodoh u tahay aktarka akshay kumar madaama uu qabo gabadheeda twinkle khan dimple ilaa hadda waa ay kasoo muuqataa aflaamta iyadoo badanaa sameesa doorka hooyinimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here