Haweenka Mega Star Salman Khan xiriirka Lasoo yeeshtay wey fara badan yihiin sido kale kuwa atiriishooyinka ahna 7 wey ka badan yihiin oo 10 ayee sare u dhaafayaan balse 7-da aan soo qaadanaya waa kuwa la hubo halka inta kale xan u badan yihiin.

Salman 7 Atiriisho si xad dhaad ah ayee u jeclaadeen heer uu qalbiga ka xaday guurkiisana ay diyaar u ahaayen balse calaf ayaa meesha kujira oo kala kaxeeyay hadaba hood kaga bogo 7 atiriisho cida ay yihiin si aad ku ogaato.

1-Sangeeta Bijlani:

Sangeeta Bijlani and Salman Khan

Waa atiriishada kaliya ee ku sigatay ama u dhowaatay inee Salman is guursadaan markii 80-maadkii ay noqotay gabadha India ugu quruxda badan durba waxay saaxiibeen Salman Khan dhamaadkii 80-kiina wey is guursan lahaayen balse is faham dari ayaa soo kala dhex gashay weyna kala tageen.

Salman hada kahor waxuu yiri,”haddii aniga iyo Sangeeta nolosha ku midoowi weynay shaqada ayaan ku midooweynaa saaxiibteyda qaaliga ahna waan ka dhigtay.”

2-Somy Ali:

Somy Ali and Salman Khan

Waa atiriishada labaad nolosha Sallu qeyb ka noqotay sanadkii 1993 ayee is barteen mudo 6 sano ayee wada socdeen balse Somy ayaa ka tagtay Salman America ayeena u amba baxday markaas ayuuna xidigaan niyada ka jabay sababte oga tagtayna waxay ku sheegtay inee nacday khamriga uu cabo iyo hab dhaqankiisa qaabka daran.

3-Aishwarya Rai:

Hum Dil De Chuke Sanam Filim la dhaho ee la daawaday 1999 ayaa u sabab noqday inee is jeclaadaan atoorihii iyo atiriishadii ugu quruxda badnaayen waqtigaas dalka india sanadkii 2000 hadal heynta Bollywoodka odhan ayee la wareegeen meel walbana xiriirkooda ayaa loova sheekeysan jiray saxaafada waxay dhihi jireen Salman hada ayuu helay tii adduunka ugu quruxda badneed.

Waa laga wada naxay sanadkii 2002 markee kala tageen lamaanahan waxayna Aish ku dhawaaqdya in Salman gacan qaad, aflagaado iyo dabeecad xumi ay ku nacday kana baxday noloshiisa.

Lasoco Qeybta Xigta….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here