Haweenka Mega Star Salman Khan xiriirka Lasoo yeeshtay wey fara badan yihiin sido kale kuwa atiriishooyinka ahna 7 wey ka badan yihiin oo 10 ayee sare u dhaafayaan balse 7-da aan soo qaadanaya waa kuwa la hubo halka inta kale xan u badan yihiin.

Salman 7 Atiriisho si xad dhaad ah ayee u jeclaadeen heer uu qalbiga ka xaday guurkiisana ay diyaar u ahaayen balse calaf ayaa meesha kujira oo kala kaxeeyay hadaba hood kaga bogo 7 atiriisho cida ay yihiin si aad ku ogaato Qeybtii 2-aad.

4-Katrina Kaif:

Katrina Kaif and Salman Khan

Sanado kadib markii Aish noloshiisa ay ka baxday waxuu bartay Katrina Kaif oo reer London ah Bollywoodka ayuu kusoo dhaweeyay, qoyskiisa ayuu baray af hindiga ayuu baray run ahaantii lamaane caan ah ayee noqdeen wax badan ayuuna Sallu u qabtay gabadhaan ilaa ay ku heshiyeen inee is guursadaan.

Balse Katrina Kaif Salman dooqeeda Rasmiga ah ma uusan noqonin inkastoo ay abaal u heyso hadana waxay jeclaatay oo ay ka raacday Ranbir Kapoor oo asna meel cidlo kaga tagay Deepika Padukone. Inkaartii Salman iyo Deepika ayaa kasoo baxday lamaanahan oo iyagana wey kala tageen.

5-Mahek Chahal:

Mahek and Salman

Atiriishadan Filimka Wanted ayee Salman kala soo muuqatay waxayna isla socdeen markii Sallu Katrina ay ka tagtay mudo kooban ayuu la socday kadibna wuuba isaga haray oo wey is fahmi waayeen.

6-Claudia:

Claudia and Salman

Barnaamijkiisa Big Boss ayee isku barteem sido kale aflaam dhowr ah ayee muuqaal marti ahaan kaga soo muuqatay atiriishada Claud kadib Salman ayee isku soo dhowaadeen oo mudo wada socdeen faraanti ayee isku galin lahaayen hadii Claud dibada aadi laheen sidee u baxday ilaa hada masoo noqon sidaas ayeena ku kala tageen iyada iyo Khan.

7-Lulia Vantur:

Iulia Vantur and Salman

Warar xan ah ayaa sheegen in Salman iyo Lulia faraanti isku galiyeen sanadihii ugu dambeyeen qoyska Salman ayee aad ugu dhoweed atiriishadan reer Romania ilaa hadana waa la isku xantaa walina safaaradaha ma aysan kala qaadan aan aragno halkuu ku dambehn doono Salman Khan iyo magaca doobka ugu weyn Bollywoodka goorta uu kahari doono.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here