gabar walba waxa ay ku riyoota inay magac iyo maqaam weyn yeelato waxaana jira gabdho doonaya inay noqdaan atariishooyin magac leh

ka dib markii ay soo guda-galaan aflaam jilista waxa ay halkaas ka helayaan nasiibkooda kaaso ah aroosk iyadoo markaas ka dib uu isbadalaayo hamigooda ay hore ku haminaayeen waxaan midaas u sabab ah jaceyl

waana wax jira oo la arkay taaso aan maanta ku tusi doono liis atariishooyin gaaraya ilaa iyo 6 kuwaaso aflaamta isaga joojiyay qoyskooda dartooda

fadlan hoos ka eeg liiska atariishooyinkaas

Asin

Asin waxaa guursaday miilkiilaha shirkada Micromax sanadkii 2016 iyadoo markaas ka dib wax filim ah aan saxiixan Iyadoo waqtigayda kaliya siisay ninkeeda

Amrita Arore

Amrita waxa ay sanadkii  2009 guursatay ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Shakeel Ladak iyadoo markaas iyo wixii ka dambeeyay go’aan ku gaartay inaysan wax filim ah samaynin

Sonali Bendre

Sonali waxa ay ka mid ahayn atariishooyinka bollywoodka usoo baxay xilligi 90s iyadoo lasoo shaqeesay aktarada ugu waa weynayd bollywoodka Sonali bendre waxa ay sanadkii 2002 guursaday hantiilaha lagu magacaabo Goldie behl

Sonali ka dib markaas waxa ay mar mar muuqaalo marti ku yeela dhawr aflaamood laakiin sanadahan dambe waxa ay xooga saartay howlaha qoyskeeda

Bhagyashree

qof walba ayaa ku haminaayay in atariishada fanka ay guul weyn ka gaari doonto madaama lagu qancay bandhigeeda filimkeeda ugu horeeyay ee Main pyaar kiya

laakiin waxaa xaday oo guursaday ganacsadaha lagu magacaabo Himalaya Disani kaliya waxa ay xiligaas jirtay 19 sano

Twinkle Khanna

Twinkle iyada ayaa marka hore waxa ay Askshay kula gashay in haddii filimkeeda mela uu flop noqdo inay iska joojin doonto aflaamta si uu u guursado

iyadoo ugu damabayn ay midaas dhacday waxa ayna 2001 guursaday aktarka Akshay kumar iyadoo hadda leh shirkada naqshadeesa guryaha

Genelia d’souza

Genelia d’souza waxa ay u dhaxdaa aktarka lagu magacaabo Reteish Dushmukh ka dib markii uu Jaceyl ku dhax-maray filimki Tujhe Mere Kasam waxa ayna isguur-sadeyn sanadkii 2002 waxa ayna hadda u haysaa 2 wiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here