Bollywood waa shirkad balaaran madaama ay samayso aflaamo global ah taaso ay daawan  karaan dalal fara badan waana mid uu qof u jeclahay ama uu u jilicsan yahay daawashada aflaamtooda

Laakiin mararka qaarkood marka aad daawato filimka waxaad u fakiraysaa si ka duwan director filimkan adigoo kasoo horjeesanaysaa fikirka director filimkan maadama uu aktarada qaar dhamaadka doorkooda uusan u siinin qof ka ama lamaanaha iyaga u qalmay

Mohini  – Happy New Year

 Mohini (Deepika Padukone) wuxuu doorkeeda filimka uu yahay  qof aad qalbi wanaagsan oo ku xeel-dheer qoob-ka-cayaar sidoo kale Charlie (Shah Rukh Khan) isaga doorkiisa waxa ui yahay nin tuug. isagoo marar badan wax ka sheegaayo Mohini .

Hase ahaatee, Mohini waxa ay u qaadaysaa jecel   sababtoo ah wuxuu ku hadli karaa Ingiriisi. Mohini waxa ay si dhab ah qalantay mid sidaa ka wanaagsan iyadoo xitaa uga haraysa kooxdeeda difaacida wadankeeda iyadoo ka qayb-galaysa tartanka qoob ka ciyaarka.

Sandhya – Dum Laga Ke Haisha

Sandhya (Bhumi Pednekar) waxa ay tahay gabar  aad u fiican laakiin maysan ahayn dooqa  Prem (Ayushmann Khurrana) isagoo dhawr jeer aflagaadeeyay saaxiibadiisa horteeda sidoo kale waxa uu iska indhotirtay iyada xilliga ay kuwada sugan yihiin guriga.

Waxa uu si xun ula tacaali jiray iyada  sababtoo ah miisaankeedii oo xad-dhaaf ah isagoo aaminasan inuu ku qasaaray noloshiisa iyo mustaqbalkiisa marka uu iyada guursaday isagoo xitaa isaga tagaya Sandhya ka hor inta uusan bilaaban tartanka.

Vanraj – Hum Dil De Chuke Sanam

 Vanraj (Ajay Devgn) wuxuu ahaa nin ku dabeecad habboon. Waxa uu jacayl u qaadaya Nandini (Aishwarya Rai Bachchan) markii ugu horeysay. isagoo Xitaa waxa uu u istaagaya inuu iyada la raadiyo jaceylkeeda Sameer (Salman Khan). Dhinaca kale, Nandini waxa ay dhamaadka filimkan dareemaysa wanaaga iyo jaceylka Vanraj kadibna ugu dambeyntii marka ay la kulantay Sameer ayaa ay isaga tagaysa kuna soo laabanaysaa Vanraaj. Sida dhab ahaantii? Vanraj ( Ajay Devgan) waxa uu u qalmay gabar caqliga u saaxiib ah taaso isaga fahmi kartaa jacaylkiisa

Anjali -Kuch Kuch Hota Hai

Anjali (Kajol) waxaa cidlo kaga tagaya Rahul (Shah Rukh Khan) kaaso ay u qaaday jacayl xiliga ay wada dhiganaayeen kuleejka. iyadoo ka tagaysaa Rahul si uu u helo Jaceylkiisa taaso ah Tina ( Rani Mukerji) iyadoo go’aansanaysaa inay dhibaato marto si Jaceylkeeda Rahul u helo farxad. Laakiin Rahul waxa uu dib ugu soo laabanaya nolosha Anjali isagoo gadaal ka dareemaayo jaceylkeeda isagoo doonaayo inuu Anjali guursado waxaana arrintaas u fududeenaysaa gabadhiisa Anjali taaso 8 sano jir. laakiin su’aasha ayaa waxa ay tahay yaa u qalmay Anjali maadama Aman (Salman Khan) uu yahay wiil ka fiican Rahul, wuxuuna jecel yahay Anjali sida ay u jeceshahay Rahul taasoo ka dhigaysa inuu labalaab ka wanaagsan yahay Rahul yaase ku haboon inay marwadiisa noqoto Aman ama Rahul?

Reena – Rehnaa Hai Terre Dil Mein

Maddy (R. Madhavan) waxay dhab ahaantii u fakiraya si qaldan si uu u helo qof uu jecel yahay isagoo iska dhigaayo qof kale si uu u dhex-galo nolosha Reena (Dia Mirza)

laakiin markii runta igaato wuu isaga cararayaa  iyada oo ku eedaynaya inaysan ogaan karin jacaylkiisa maadaama mar waliba Maddy sameenaayo waxyaabo aysan jeclaysan Reena

laakiin jacaylkaan waxaa ka duwan yahay sheekooyinka jacaylka ee xiligii 90s, midkani waxa uu leeyahay waxoogaa cillado badan ah Reena waxa loo baahanaa inay guursato Rajiv ( Saif Ali Khan ) si ay u hesho degenaansho

Meera -Cocktail

Coctail waa aflaamta ku caan baxayn jaceyl sadex-geesoodka filimkan waxa ay qusaysa sadex saaxiibo ah kuwaaso lagu kala magacaabo Gautam (Saif Ali Khan) kaaso jaceyl u qaadaayo Meera (Diana Penty) goortii u shukaanaayay gabadh Veronica (Deepika Padukone),

Gautam ( Saif Ali Khan) waxa uu markii hore ka helaa Veronica (Deepika Padukone) nolosheeda wada noolaanshaha ku dhisan laakiin markii dambe waa uu qiyaanaya isagoo u wareegsanaya gabadha ka muuqata wanaagsan iyo daacadnimada ee atariishada Meera (Diana Penty)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here