Bollywood Macho Man ama Murqaaniga Bollywood-ka John Abraham sida uu muuqaal ahaan u ad adag yahay qalbigiisa uma adko.

Atoorahan isku filnaansho gaaray sidoo kalena filimada qaar isaga maal gashto ayaa ka hadlay xiliyo kala duwan arimo isaga u gaar ah iyo waxyaabo ku xeen daaban koonka aan ku nool nahay.

Hadaba John Abraham 7-oraah oo caan ah oo xidigaan laga diiwaan galiyay siweyna loo soo xigt hoos kaga bogo adigaaba ka heli doontid:

Oraahda Kowaad: Dhabtii Haweynka waa kuwo awood badan, waxayna noloshooda maareesan karaan Ragg la’aan.

Oraahda Labaad: Inta badan waa arin murugo leh in ragga amar ka qaadanin dumarka, waa arin u baahan in si qoto dheer looga fikiro, ma aqaan sababta aan dumarka u dhageesan weenay una tixgalin weenay waxaa la joogaa xiligii aan arinkaas badali laheyn.

Oraahda Sedexaad: Waxaa jiro awood dheeri ah oo ay dumarka leeyihiin, dumarka waa kuwo hawlo kala duwan qabtaan, wax maamusho, go’aano qaadato laguna faa’iido, sidoo kalena ku hadasho hadalo wax tar leh oo qoyska iyo bulshada u wanaagsan.

Oraahda Afaraad: Amar ayaan ka qaataa dumarka marka guriga la joogo, kaliya maxaan guriga ugu ekeynaa waa inaan dumarka amar kaga qaadan karaa meel kasto? waayo aniga waxay iila muuqdaan kuwo ka daacadsan ragga, Maanta la joogo haweenka waxaan ku tilmaami karaa Superwoman!

Oraahda Shanaad: Weli waxaan ahay qof caadi ah oo aan isla weyneyn, inta badan jilaayaasha aan isla shaqeyno waxay ka cawdaan dacaska aan soo xirto, shaaha raqiiska ah ee aan soo qaato iyo labiska iska sahlan ee aan goobaha soo qaato!

Oraahda Lixaad: Ma aado goobaha abaal marinada lagu bixiyo, xaflada aroosyada, inta badan xafladaha abaal marinada lagu bixiyo waa kuwo magac raadis ah oo rabaan in TV-yada ay lacag fiican kaga helaan.

Anigoo xushmad daro ku riddeyn saaxiibada aan fanka ku leeyahay waxaan idiin sheegaa in hada ka hor la ii sheegay inaan abaal marin ku guuleestay balse shuruud la iiga dhigay qaadashada biladaas inaan masraxa ka cayaaro, hadii kale qof kale la siin doono!!!

Oraahda Todobaad: Marka aan atoorayaasheena dhaawacmano waxan halis ugu jirnaa inan labo daqiiqo nafteena ku weyno, bal maxaan dib u helnaa marka la daawado dhibka aan marnay?

Waxaa iga sii yaab badan filim soo saare walaacsan ayaa kusoo wacayo si uu u ogaado inaan shaqada duubista kusoo laaban kartid iyo in kale!!

Kaliya waxaa u daran lacagta ka qasaareyso iyo waqtiga dib kaga dhacaayo, laakiin aaway mudnaanta ay leeyihiin atoorayaasha dhibka badan maraan!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here