Home » . » 7-Jilaa Oo ka Tirsan Qoyska Kapoor Khandaan Kuwaas Oo Ku Fashilmay Bollywood-ka (+Sawiro)

7-Jilaa Oo ka Tirsan Qoyska Kapoor Khandaan Kuwaas Oo Ku Fashilmay Bollywood-ka (+Sawiro)

Qoyska  Kapoor Khandaan  waa  qoyska ama Familka ugu  weyn  ee  Bollywood-ka  oo  mar  walbo  awoodooda taagan  tahay  waxaana  qoyska  ugu  weyn  uguna  magac  dheer  Prithviraj Kapoor.

Kapoor Khandaan  awoodooda  waxaa  soo  bilaabay  Super Star-ka  weynaa  Prithviraj Kapoor  ka  dib  waxaa  mar kale  maqaamka  qoyskaan  sare u qaaday wiilkiisa  weyn   Raj Kapoor.

Ka dib  waxaa  soo  baxay  jilaayaal  badan  oo  qoyska  Kapoor  ka  tirsan  kuwa  qaar  waxay  noqdeen  jilaayaal caan  ah  ilaa  hada  lawada  jacel  yahay  halka  kuwa  kale  ku  fashilmaan  Bollywood-ka.

Maadaama  jilaayaasha  caanka  ee  qoyska  Kapoor  kasoo  baxay  badi  aqoon u  laheydeen  haatan  waxaa  idin heynaa  7 jilaa  oo  ka  tirsan  qoyska  Kapoor  Khandaan  oo  ku  fashilmay  Bollywood-ka.

  1. Rajiv Kapoor

waa  wiilka  ugu  yar ee Raj Kapoor  wuxuu  sameeyay  filimka  Ram Teri Ganga Maili  ka dib markuu fashilmay wuxuu u weecday dhanka filim sameynta.

2. Raj Kapoor

Raj Kapoor  waxaa  aabo u ah  Shammi Kapoor  wuxuuna  ahaa  filim  sameeye  sidoo kale  wuxuu kasoo muuqday filimo  badan laakiin wuu fashilmay wuxuuna dib ugu laabtay ganacsigiisa.

3. Karan Kapoor

Karan Kapoor  waxaa  aabo u ah  Shashi Kapoor  wuxuuna  kasoo  muuqday  filimo  qaar  oo  ka ka mid  Loha  ka dib wuxuu u weecday dhanka Tv-yada ugu danbeyn wuxuu isku badalay sawir qaade.

4. Kunal Kapoor

Kunal Kapoor  oo  aabo u ah  Shashi Kapoor  wuxuu  sameeyay  filimo qaar oo ka mid ah Junoon  iyo  Trikal,  ka dib markuu  fashilmay  wuxuu  bilaabay maal   gilinta  musal musalada  Tv-ga  laga daawado.

 5. Sanjan Kapoor

Sanjan Kapoor  waxaa  aabo u ah  Shashi Kapoor  Sanjan caan ku aheyd  filimada yar yar  ee  tiyaatarada lagu  sameeyo  laakiin  bollywood-ka  fashil  ayay  ka qaaday  marka  ay  kusoo  biirtay  waxayna  kasoo  muuqatay  filimada  36 Chowringhee Lane,  Utsav,  Hero Hiralal  iyo  Salaam Bombay.

6. Armaan Jain

Armaan waxaa hooyo u ah Reema Jain halka awoowe  uu  yahay  Raj Kapoor  wuxuu kusoo caan baxay filimka Lekar Hum Deewana Dil  wuxuuna  noqday  filim iska iloobay  wuxuuna  jilaagaan  asigana  noqday mid liska iloobo.

7. Aader Jain

Aader Jain oo bishii hore kusoo biiray Bollywood filimkiisa  hadal heyn xitaa ma xambaarsaneyn wuxuuna noqday filim bur buray wuxuuna ku  biiray  liiksa  jilaayaasha  qoyskaan  ku  fashilmay.

 

Dhamaad…

 

3 Responses to 7-Jilaa Oo ka Tirsan Qoyska Kapoor Khandaan Kuwaas Oo Ku Fashilmay Bollywood-ka (+Sawiro)

  1. awil

    September 7, 2017 at 1:40 am

    kapoor family Iyo anil kapoor ma isku qoysbaa ii kala cadeeye

    • Zakarie Abdi

      September 7, 2017 at 7:25 am

      Waa qaraabo waa isku ehel

  2. Suleeqa ahmrd

    September 7, 2017 at 9:17 am

    Aadar wali lama dhihi karo waayo shirkada yrf markay qof soo caan bixinee waxay la sixixataa 3 film kadib ayuu dad kale ushaqayn karaa ama film kale samayn karaa marka hada 2 film oo yrf u samaynaa ayaa wali udhiman marka aan ka warsugno qaidi band film ahaan ma xumo ee waqti xun ayaa tiyatarka lasaray filiman badan ayuu la koray qaladka ugu wayn waa kaas