Hadii aan sanadkaan daawanay aflaam waaweyn oo xiiso leh sida WAR, Mission Mangal, Bharat, Houseful, Uri iyo kuwa kale oo badan sido kale waxaan daawanay ama soo baxeen xidigo cusub oo curdan ah kuwaaso magacooda in dunida ku faafo rabaan.

Sanadkii hore waxaan baranay xidigo cusub oo sanadkaan si weyn loo hadal hayo dunidana durba magacooda ku faafay waxaa kamid ah Jhanvi Kapoor, Sara Ali Khan, Ishaan Khattar iyo kuwa kale oo badan.

2019 Recap: From Siddhant Chaturvedi in Gully Boy to Pranutan Bahl in Notebook – 7 actors who made noticeable debuts

Hadaba liiska 7 jilaa ee 2019 Bollwoodka soo galeen kuwaaso si weyn loo hadal hayo waqtigaan hoos kaga bogo balse tirada 7 wey ka badan yihiin hase ahaate waa kuwa waqtigaan ugu hadal heyn badan.

Siddhant Chaturvedi: waxuu kusoo caan baxay filimka Gully Boy ee Ranver Singh iyo Alia Bhatt hogaamiyaasha ka ahaayeen waxaa macquul ah 2020 in la gudoon siiyo atoorahan abaal marinta atooraha ugu fiican ugu ku cusub fanka hindiya.

https://www.instagram.com/p/B52HNZUlKVp/?utm_source=ig_embed

Ananya Panday iyo Tara Sutaria: Filimka Student of The Year 2 ayee kusoo caan baxeen ee uu hogaamiyaha ka ahaa Tiger Shroff maantana waa gabdho hadal heyntooda wataan mid kamid ah inee ku guuleysato ayaa macquul ah abaal marinta atiriishada Bollywoodka kucusub ee ugu bandhiga wanaagsan.

https://www.instagram.com/p/BxRSYLwAiaP/?utm_source=ig_embed

Abhimanyu Dessani: waxuu kusoo caan baxay Mard Ko Dard Nahin Hota waana atoore shidan oo jir ahaan diyaarsan waxaa looga fadhiya  inuu dadaalkiisa labo jibaaro.

Zaheer Aqbal Iyo Pranutan Bahl: Inkastoo filimkooda kowaad wacdaro xoogan kadhigin Box-office-ka hadana daawadayaasha waxay ku raaxeysteen bandhiga labadan jilaa abaal marino inee hantaan ayaana loo badinaa.

https://www.instagram.com/p/ByITdzMlc8y/?utm_source=ig_embed

Sahher Bambba: gabadhaan waxay lasoo caanbaxday Karan Deol oo asna fanka ku cusbaa balse iyada ayaa si weyn loo ammaanay filimkaasna waa Pal Pal Dilke Paas.

https://www.instagram.com/p/B6ApRDEgAY0/

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here