Atirishada awooda badan Deepika Padukone ayaa baraha bulshada ku xustay in filimkeeda hirgalay Yeh Jawaani Hai Deewani 7-sano kasoo wareegatay daawashadiisa wuxuuna ahaa mashruucan Blockbuster taariikhi ah ayadoo Ranbir Kapoor atoore kowaad ka ahaa.

Haddaba Deepika waxay soo bandhigtay sawirka idiin muuqdo waa muuqaal ka tirsanaa filimka Yeh Jawaani Hai Deewani oo aan lasoo bandhigin laakiin dhaxal ahaan Deepika ayaa u heesatay waxayna tiri “Xasuusaha waa sida sanduuq mac macaan ka buuxaan oo meel kuu yaalo, markii la furo sanduuqaas cidna kale ma cuni karto mac macaankaas!”

Deepika waxay weli xasuusataa waqtigii wacnaa oo ay Ranbir Kapoor wada qaateen inta mashruucan duubistiisa socotay waloow markii sanadii 2013 filimkan la daawanayay RK iyo Deepika kala hareen kadibna xiriirkoodii bur buray ma uusan bur burin shaqadii quruxda badneed ee ka dhaxeesay madaama wanaag ka dhaxeeyo sidoo kalena ilaa haatan aad isku tixgaliyaan shaqooyin kala duwana wadaageen.

Deepika Padukone haatan waxay u dhaxdaa atooraha caanka ah Ranveer Singh halka Ranbir Kapoor isaga jaceyl la jilaayo Alia Bhatt laguna wado dhamaadka sanadkan inay wada aqal galaan ama horaanta sanadka dambe.

Dhinaca shaqada Deepika waxaa u diyaarsan filimka 83 oo ay Ranveer Singh la jileyso halka Ranbir isagana duubis ku waday filimada Brahmastra iyo Shamshera ka hor inta aan la galin bandowgii Hindiya ka dhacay iyo dhibaatada guud ee dunida oo idil qabsatay sedex bilood ugu dambeesay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here