Shumiska ama baashidu waa calaamad jaceyl, kuwa isla wadaagayna waa ay ammaaneen maadaama ay dareenkooda isugu muujiyeen. Laakiin marwalba shumisku farxad ma xambaarsana. Qaladaad yar oo dhaca ayaana dhibaatada keena.

Halkaan maanta waxaan idinkugu soo bandhigeynaa, todobo waxyaabood oo uu neceb yahay ninku marka ay xaaskiisu shumineyso ama baashiyeyneyso, sidaas darteed waa inay haweenku ka fogaadaan si ay shumis dareen leh ula qaataan nimankooga.

1 – Raggu ma jecla baashida waqtiga dheer la isku hayo – Maxaa yeelay marka ay baashidu qaadato waqti ka dheer midkii la saadaalinayey, ninku wuxuu lumiyaa xiisaha baashida, wuxuuna bilaabayaa inuu ka fikiro waxyaabo kale oo aan muhiimba aheyn.

2 – Raggu ma jecla in la hadlo inta baashida lagu jiro – Taasi waxay ka dhaadhicineysaa seygaaga in aadan dooneyn inaad la wadaagto xuska waqtiga u muhiimka ah jaceylkiinna, maadaama ay baashidu tahay hadalka ugu muhiimsan iyo sheekada ugu muhiimsan ee jaceylka.

3 – Raggu kama helaan inay shumiyaan faruurto qalalan – Marba haddii ay tahay baashi waxa la wadaagayo, haddii ay lammaantaada jaceylka faruuryo qalalan tahay, baashidaasi waa xiiso beeshay. Dumarka waxaa loogu baaqayaa inay isticmaalaan waxyaabaha qooya faruuryaha si ay dhibaatadaan uga fogaadaan.

4 – Afkaaga oo soo shiira – Waa dhibaato caan ah taasoo laga wada-siman yahay labada dhinacba waa ay ka imaan kartaa. Haddii ay dabiici kuu yahay inuu afkaagu shiiro ama neeftaadu ay noqoto mid soo shiireysa, ogoow adna waad ka quusan doontaa inuu ninkaagu ku baashiyeeyo.

5 – Iska Ilaali timahaagu qariyaan wejigaaga – Timahaaga ayaa furfurtay isla markaana wejigaaga kusoo dhacay. Haddii ay dumarku leeyihiin timo dhaadheer, ogoow haddii ay timahaagu kusoo daataan wejigaaga taasi waxay qasi kartaa wadaaga baashidiina. Mana jecla raggu.

6 – Marnaba ha furin indhahaaga – Maxaa yeelay khuburada jaceylka ayaa sheega in waqtiyada nuucaan ah ee loo yaqaanno (Romantic moments) laga dareemo qalbiga, marka weliba la wadaagayo baashida iyadoo indhuhu ay xiran yihiin. Sidaas darteed waa iska caadi inuu seygaadu dhibsado haddii aad indhaha kala qaado.

7 – Neeftaada yareey – Marka shumiska nuucaan ah la wadaagayo, waa wax iska caadi ah inuu dhiiggaagu soo aado dhanka wadnaha in badan, sidaas darteed uu garaaca wadnahaagu ka bato sidii caadiga aheyd, waxaadna u baahan doontaa neef-qaadasho badan. Waa wax wanaagsan oo dabiici ah. Laakiin waa inaad taxadarto maxaa yeelay neeftaada oo badata ayaa qasi karta waqtigaan muhiimka u ah sooyaalkiinna jaceylka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here