Dhaqanka hinduuga ayaa ah in gabadha la guursanaayo maalinta la furaayo lacag ints ay rabto ay dalban karto balse lacag macquul ah ayee dalbanee hadii uu ninka siin waayana maxkamada ayaa si qasab ah kaga qaadeyso lacagtaad ninka.

Sido kale hadii ay caruur u heyso waxaa la xisaabina tirada sanadaha oga dhiman cunugaas inuu ku qaan gaaro kadibna waxaa lagu dhufana bil walba lacag ku filan ama halmar ayuu wada dhiibaa ama bil walba ayuu kis kis udhibaa biilka caruurtiisa taasina waajib ayee kutahay.

Hadaba maqaalkan waxaan kusoo bandhigeena 7 shaqsi Bollywoodka kamid ah Ragg iyo Dumarna isugi jiraan kuwaaso qarash badan ka baxay ama heleen maalinta furiinka dhacaayey micnaha kuwa Ragga ahna qarasha ka baxay kuwa Dumarka ahna daqli badan ayee heleen bal hoos kaga bogo qeybta 2-aad:

Hrithik Roshan: Xidigaan Sussanne Khan ayuu la noolaa mudo sanado badan 2 wiil ayeena uheysa balse 2014 ayee kala tageen waxuu HR sheegay in maxkamada ku xukuntay inuu Sussanne siiyo lacag dhan 400 Crore oo ay xaq u laheed kuna jirto koriismada caruurtiisa ilaa hadana waxuu bixiyay 380 Crore sida uu sheegay 20 Crore ayaana kudhiman.

Sanjay Dutt: jilaagan xaaskiisa kowaad Rhea Pillai waxuu furay sanadkii 1998 waxuuna siiyay guri weyn oo uu lahaa iyo gaari noocyada xiligaa ugu qaalisan ah mudo badan ayuuna biilaayey.

Rhea Pillai: gabadhaan guurkeeda kowaad ee Sanju Baba ayeeba lacag fiican heshay guurkeeda labaad ee ay guursatay Leander Paes ma ahen mid sii wara hadana waxay ka qaadataa ninkaan 4 Lakh oo iyada iyo gabadheeda ku noolaadaan maadama ay udhashay gabar bil walba lacagtaas ayuu dhiibaa.

Prabhudheva: xaaskiisa Ramlath markee kala tagayeen waxay ka qaadatay lacag dhan 25 Crore iyo labo gaari qaali ah sido kale 1 Lakh ayuu bil walba bixiya oo 2-diisa wiil loogu koriya oo ay udhashay gabadhaan.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here