marka ay timaado bollywoodka waxaad arkaysa mararka in filim ay ku midoobayaan shaqsiyaad isku qoys ah waana dhacdo iska caadi ah taaso la arkay marar badan oo kala duwan madaama ay labo kala yihiin xariirka qoyska iyo dhanka jilida waxaana ay ku xiran tahay ogalaanshaha labada dhinac waxaan maanta ku haaya 6 aktar kuwaaso jaceyl la sameeyay  dumaashidooda

Saif ali khan iyo Karisma kapoor

saif ali khan waxa uu u dhaxda karishma kapoor walaasheeda ee kareena kapoor saif ali khan iyo karishma waxa ay jaceyl ku wadaagayn filimka humsaath saath hain

Ajay devgan iyo Rani mukerji

rani waxa ay ilmo-adeer yihiin atariishada kajol taaso ah marwada u dhaxda ajay devgan iyadoo labadan aktar ay jaceyl ku wadaagayn aflaamta kala ah chori chori iyo loc-kargil

Uday chopra iyo Rani mukerji

uday chopra waa walaalka ka yar rani mukerji ninkeeda kaaso lagu magacaabo aditya chopra iyadoo rani mukerji iyo uday chopra ay jaceyl ku wadaagayn filimka la daawaday sanadkii 2002 ee lagu magacaabo mujhse dosti karogi

Anil kapoor iyo sridevi

yaaba hilmaami karo jiliinka ay shaashada ku muujiyaan labadan aktar kuwaaso ka mid kuwa loogu jecel yahay inay filim ku midoobaan iyagoo si wadajir ah isla sameeyeen aflaamta kala ah mr. india , lahme , judaai sridevi waxa qaba anil kapoor walaalkiisa ka weyn ee boney kapoor

Naseeruddin shah  iyo supriya pathak

waxa ay labadan jaceyl ku wadaagayn aflaamta kala ah masoon , bazaar iyo mirch masala iyadoo Naseeruddin ay u dhaxday supriya walaasheeda ka yar taaso la yiraahdo Ratna pathak

Ashok kumar iyo madhubala

labadan jila ee bari-samaadkii ayaa waxa ay ku midoobayn dhawr aflaamood sida mahal iyo howrah bridge iyadoo madhubala uu qabay ashok kumar walaalkiisa ka yar ee kishore kumar

Randhir kapoor iyo neetu singh


 
Randhir kapoor waa walaalka ka weyn rishi kapoor isagoo shaashada jaceyl kula wadaagay dumaashidiisa maadama ay isla sameeyeen filimka lagu magacaabo rikhshwala iyadoo labadan ay si wadajir u sameeyeen5 filim oo kale

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here