ka dib aktaro qaar kuwaaso ku daalayn doob-nimada sida anushka sharma oo guursatay ninka lagu magacaabo Virat Kohli iyo Sonam kapoor oo guursatay ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Anand Ahuja iyo labada aktar ee kala ah Ranveer Aingh iyo Deepika Padukone taaso

iyadoo aktaradan ay yihiin kuwa aaminsan guurka inuu yahay shay muhiim ka ah xagooda laakiin waxaa jira shaqsiyaad caan ah kuwaaso guurka uusan waxba ka ahayn xagooda iyagoo aan kala jeclayan inay guursadaan iyo inay guursan Haddabe yaa ka mid ah shaqsiyaadkaas aan guurka aaminsanayn

Karan johar

director ayaa ka mid ah shaqsiyaad ka  ayaa waxa uu aabo u yahay labo caruur mataano ah Yash iyo Roohi kuwaas oo ku dhasheen nidaamka Surrogacy loo yaqaan oo ah in haweeney heshiis lala gaaro oo ay kaqayb qaadato hanaanka bacriminta ubadka, calool ku sidkooda iyo dhalmadooda kadibna iska soo wareejiso karan ayaa hadda ka hor waxa uu sheegay inuu jaceyl u qaaday atariishada twinkle khan laakiin marka uu guursaday aktarka akshay kumar waxa uu go’aansaday inuu weligiisa guursan

Akshay khanna

wiilka vinod khanna ee akshay khanna isagoo ku fashilmay inuu noqdo sida aabihiisa isagoo noday aktarka iska dhex-dhexaad ah akshya khanna hadda waxa uu jiraa 43 sano laakiin waxa uu u muuqdaa mid kasii weyn isagoona weli guursan isaga guurka una arka inuu yahay muhiim

Rahul Bose

aktarka ka tirsan shirkada bollywoodka ma ahan mid aamisan guurka sidoo kale waxaa la sheegay inuusan jeclayan in lahaado famil dhamaystiran

Abhay doel

aktarkan waxa ay ilmo adeer yihiin aktarada kala ah sunny doel iyo bobby deol isaga waxa uu ka mid yahay raga aan jeclayn in lagu soo qaado guur ka dib markii ka bur-buray dhawr xariir uu Isaga sameeyay

Ekta Kapoor

gabadhan ee filim soo saaraha ah waxa ay sidoo kale qarash-gareesaaa musalsalada ka baxa Tv-Yada iyo aflaamta bollywoodka ekta ayaa waxa ay hore u sheegtay inay guursatay shaqadeeda madaama aysan fursad u haynin guurka

Rahul khanna

kani waa walaalka ka weyn Akshay Khanna waana aktar ka tirsan shirkadda bollywoodka isagana waa sida walaalkiisa waana jir 46 jir sano waana dadka aan aaminsanayn guurka

Salman khan

kani waa doobka ugu weyn gudaha bollywoodka isagoo xariir la sameeyey atariishooyin caanka ah ee bollywoodka kuwii hore kuwii dhexe iyo kuwii dambe weli ma uusan guursanin waana 52 sano jir doob ah

Sanjay leela bhansali

director kan ayaa sheegay inuusan weligiisa dareemin inuu u baahan yahay qof lamaane ah oo nolosha la qaybsata isagoo jeclaystay inuu single iska ahaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here