Inaba caadi ma ahan ganacsiga Filimka Houseful 4 sameeyay maalintiisa 8-aad oo shalay ahed mashruucan waa lama joojiyaan waxuuna kusocdaa wadadii uu Super Hit ku noqon lahaa maadama hader Hit inuu yahay xili hore sii sheegtay shabakada BOI.

Maalintii shalay ahed waxuu keenay 8 Crore (Trade Figure) waana maalintiisa 8-aad ee uu tiyaatarada saarnaa hadana maalin shaqo ahed tani waxay cadeyn u tahay in Filimkaan la joojin karin kuwii xumaanta ka faafiyeen afka qabsadeen ceeb aawgii.

Khiladi Kumar ayaa u awood sheegtay dhamaan cadowgiisa wadarta guudna hader waxuu maraa 145 Crore mashruucan mudo 8 maalmood ah kaliya inkastoo todobaadkii fasaxa weynaa u dhamaaday hadana meelo qaar ah ayaa wali fasax kajiraan sida Gujarat oo kale waxaana la filaa maanta oo sabti ah iyo beri oo axad ah inuu markale ganacsi taariikhi ah sameeyo.

Mumbai iyo hareeraheeda waxuu ka keenay 55 Crore waana suuqyada uu sida wacan oga gadmay halka Gujarat iyo suuqyada ku hareereysan uu 22 Crore ka keenay axada ganacsiga uu sameeyo waxay ka dhigi doonta Filimka lacagaha ugu badan ka keeno 2019 Gujarat iyo suuqyada ku hareereysan wanaa iskoor kale.

Dhanka kale xitaa waa macquul inuu noqdo Filimka 3-aad taariikh ahaan Gujarat iyo suuqyada kudhow lacagaha ugu badan ka keeno waxaana kowaad iyo labaad ku kala jiraan Baahubali 2 iyo Golmaal Again oo iyaga qaanad gaar ah kujiraan marka Gujarat la joogo.

Hoos kaga bogo ganacsiga Houseful 4 mudo 8 maalmood ah uu kaga sameeyay gudaha India sida shabakabada BOI soo daabacday oo adeegsata nidaamka Trade Figure loo yaqaano:

Jimco: 18.50 Crore

Sabti: 18 Crore

Axad: 14.25 Crore

Isniin: 34.25 Crore

Talaado: 24 Crore

Arbaco: 15.50 Crore

Khamiis: 12.75 Crore

Todobaadka Kowaad:137.25 Crore

Jimco labaad: 8 Crore

Wadarta Guud: 145.25 Crore (Trade Figure) (Qiyaas Ahaan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here