Shamita Shetty Ma Noqon Sida Walaasheeda Shilpa Shetty

Shilpa Shetty waa atirishadii 90-maadkii Bollywood-ka heesan jirtay sidoo kalena ahayd atirisho ka dhaxeesay Bollywood-ka madaama ay dabeecadeeda ku gaartay inay atoore kasto filim la sameyso.

inkastoo shilpa maalmahan fanka laga waayay laakiin waxa ay hore usoo shaqeesatay sumcad iyo maqaam taaso ay ku guul-daraystay walaasheeda Shamita Shetty inay Bollywoodka ka sameeso

Tanisha Mukerji Ma Noqon Sida Walaasheeda Kajol Devgan

Tanisha Mukerji iyo Kajol waa labo walaalo oo dhab ah iyadoo Kajol fanka india ay ka abuuratay maqaam ay adag tahay inay sameeso atariishoo kale iyadoo sameesay aflaamtii ugu caansan gudaha bollywoodka sida Dilwale Dulhania La Jayenge , Kuch Kuch Hota Hai , Kabhi khushi kabhi gham iyo kuwa kale oo badan

laakiin marka la fiiriyo walaasheeda ka yar ee Tanisha Mukerji ma ahan wax isku dhigma Tanisha dhamaan aflaamta ay kasoo muuqatay waxa ay ku guul-daraystayn inay boxx office india saameyn ku yeeshtaan iyadoo dhawaanahan iska aaday inay u ka qayb-gasho tartanka Bigg Boss

Uday Chopra muusan noqon sida walaalkiisa Aditya Chopra

Aditya Chopra waa mid ka mid ah filim sameeyaasha ugu awoodda badan xiligan bollywoodka isagoo sameeyay aflaamo caan ah oo waa weyn sida Dilwale Dulhania La Jayenge , Mohabbatein iyo kuwa kale oo badan laakiin walaalkiisa isaga ka yar ninka lagu magacaabo Uday Chopra waxa uu xitaa uu ku guul-daraystay inuu aflaamo badan hogaamiye ka noqdo

isagoo hadda kusoo koobmay inuu filimada ku yeeshto doorar caawiye kaliya waxa uu kusoo baxa aflaamta laysugu keenay aktaro waa wey sida taxanaha Dhoom

Esha Doel maysan noqon sida walaalkeeda Sunny Doel

qof walba ayaa og awooda uu leeyahay aktarkan kusoo guuleystay abaal-marinta national awards iyo waxa uu qabsaday 30 sano ugu dambeesay isagoo dadka ku qasbay in loogu yeero Bollywood Action Hero laakiin walaashiisa Esha Doel kaaso u dhalay aabihiisa iyo Eedadiisa Hema Malini waxa ay ku fashilantay inay saamayn ku yeelato filim jilista sida qoyskeeda

iyadoo kaliya ay sheegato dhawr filim kuwaaso guuleystayn sida Dhoom iyo kuwa kale oo faro ku taris ah taaso la dhigtay inay iska guursato ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Bharat Takhtani

Faisal Khan oo ku fashilmay inuu noqdo sida walaalkiisa Amir Khan

mr. Perfectionism ninkan waxa uu fanka ka sameeyay ma u maleynaayo inuu jiro aktar kale op awooda inuu sameeyo isagoo jecel xili walba inuu soo kordhiyo rikoor cusub laakiin walaalkiisa Faisal Khan waxaa macquul ah dadka inta badan inaysan aqoonin

Faisal Khan kaaso soo caan baxay xiligii 90s laakiin waxa uu si xun u galay dhulka maadaama aan la sheegi karin waxa uu Bollywoodka ka sameeyay aflaamta uu sameeyay waxaa ugu caansan filimka Mela kaaso la daawaday sanadkii 2000

Rinke Khan maysan noqon sida walaasheeda Twinkle Khan

yaa daawaday ama xasuusta filimka Jis Desh Mein Ganga Rehta Hain ama filimka Govinda uu reer baadiyaha yahay hadad midaas aadan aqoonin kaliya atariishada

waxaan ku xasuusan kartaa inay tahay Twinkle Khan walaasheeda iyadoo ay waalid u yihiin labada fanka magaca ka sameeyeen sida Super Star Rajesh Khanna iyo Dimple Kapadia

Sanjay Kapoor marnaba muusan noqonin sida walaalkiisa Anil Kapoor

inkastoo Sanjay Kapoor aflaamtiisa dadka soomaalida ay si weyn u jecel yihiin laakiin aktarkan waxa uu ku guul-daraystay inuu gaaro magaca iyo maqaam ka uu samaystay walaalkiisa ka weyn aktarka lagu magacaabo Anil Kapoor kaaso xitaa waxa uu goor hore ka talaabay bollywoodka isagoo noqday aktar international ah

Tushar Kapoor waxa uu ku guul-daraystay inuu fanka ku guuleysto sida walaashiisa Ekta Kapoor

Ekta Kapoor ma ahan atariisho laakiin waxa ay ka mid tahay filim soo saarayaasha ugu caansan dalka india iyadoo Qarash-gareeysay aflaamo waa weyn  sidoo Ekta waxa ay soo saare ka tahay musalsalada ugu caansan gudaha india sida Naagin , Kassuti Zindagi iyo kuwa kale oo badan halka walaalkeeda Tushar Kapoor isagana uu ka mid yahay aktarada flop ah kuwaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here