Guurku islaam ahaan waa naxariis iyo kal gaceyl iyo is dhameystirid uu mid kasta kan kale dhameystiraayo.

Lamaanaha nolosha wadaaga markasta waxay halis ugu jiraan caadooyin xun xun kuwaasoo sabab u noqdaan in guurkooda farxad la’aan noqdo sidoo kalana fashilmo hadaba hadii aad tahay lamaane ka fogow 8daan caado si guurkaaga u ahaado mid najaxo.

1-Is qab qabsi joogto ah.

Hadii lamaanaha markasta isku dhaganyihiin waxkastana isku heystaan dabcan waxay qarka u saaranyihiin in guurkoda fashilmo misna kala tagaan.

2-in si joogto loo kala aamusnaado.

In la sheekeysto la kaftamo la isku qoslo waxay kamid tahay waxyaabaha nolosha iftiin u yeelo balse hadii aamus meesha yimaado fashilna wuu jiraa furiina ma foga.

3-in la isku takoornaado.

Tanaasulka waa muhiim balse hadii markasta la isku takoornaado ana lamaanaha mid kamid ah kan kale ku takoornaado waxay soo dadajisaa in guurkaas fashilmo misna la is furo.

4-Beenta.

Gabigeedaba waa xaaraan balse in lamaanahaaga been u sheegtid waxay ka dhigantahay inaadan ku kalsooneyn siiba markii ay joogto tahay furiina kama foga beenta.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here