Bollywood-Ka waxaa soo maray aktaro fara badan kuwaaso qaarkood ku guuleystayn waayahooda jilaanimo sida Amithab Bachchan , Shah Rukh Khan , Salman Khan , Amir Khan iyo aktaro kale oo badan laakiin waxaa jira aktar.

1. Aashish Chaudhary aktarkan shactirada badan waxa uu waayihiisa fanka Kasoo bilaabay samaynta musasalada laga daawado Tv-Yada isagoo kasoo muuqday musasalka taxanaha ee lagu magacaabo Detective Dev labadiisa qaybood ka dib waxa uu kusoo biiray shirkada Bollywoodka laakiin aktarkan halkaas kuma uusan helin aqoonsiga uu doonayay maadaama uu ka fashilmay dhawr mashruucood laakiim aktarkan markii uu ka qayb noqday taxanaha Dhamaal waxa uu dib usoo noolaaday waayihiisa aktarnimo isagoo qayb kasoo noqday dhamaal labadiisa qaybood ee kala ah Dhamaal iyo Double Dhamaal waana labada filim ee aktarkan si weyn loogu xasuusto marka lasoo hadal-qaado magaciisa

2. Aftab Shivadansi aktarkan soomaaliya ku leh taageero fara badan laakiin bollywoodka waxa uu ka mid yahay aktarada flop ka ah Aftab waxa uu sanadkii 1999 kusoo caan baxay filimkii Mast kaaso ka noqday flop ka dib aktarkan waxaa ku yimid hoos u dhac weyn markii uu isku xijiyay aflaamo badan oo dhulka galayn laakiin Aftab waayihiisa aktarnimo waxaa badbaadiyeen filimada taxanaha ah sida Mast sadexdiisa qaybood inkastoo midkii ugu dambeeyay uu ka fashilmay halka labadiisa qaybood ee kale ay gaarayn guul weyn sidoo aktarkan waxa uu qayb kasoo noqday taxanayaal kale Kyaa Kool Hain Hum.

3. Arshad Warsi Arshad Warsi waa atoore caan ah siweyna loo jecel yahay wuxuuna sanadii 1996 kusoo baxay filimkii Hit-ka noqday Tere Mere Sapne kaaso uu caan ku noqday. laakiin aktarkan isaga ayaa hadda ka hor waxa uu shaaciyay inuu waayihiisa aktarnimo uu bad-baadin taxanaha lagu magacaabo Munna Bhai MBBS kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka Sanjay Dutt sidoo kale Aktarkan waxa uu qayb kasoo noqday taxanayaal kale oo badan sida Golmaal afartiisa qaybood iyo Dhamaal sadexdiisa qaybood.

4. Kunal Khemu aktarkan waa mid ka duwan aktaradan kale maadaama uu yahay aktarka kaliya kaaso aan xitaa awoodin in filim lagu aamino maadaama qasaaradiisa ay badan tahay laakiin aktarkan kaliya waxa uu amaan ku helaa marka uu kasoo muuqdo aflaamta taxanaha ah sida taxanaha Golmaal sidoo kale hadda waxa uu isku diyaarinaya inuu kasoo muuqdo Go Goa Gone qaybtiisa labaad.

5. Riteish Dushmukh aktarkan xirfadiisa iyo awoodiisa doorka shactirada ma ahan mid la qarin karo isagoo awoodda inuu xili walba kaa qosliya hadiiba sidaas tahay ma sheegi kartaa aflaamta aad ku xasuusato aktarkan midaas way fududahay waxaa horey maskaxdaada kusoo dhacaayo taxanayaasha ah Mast , Dhamaal iyo Housefull waana aktar ku caan baxay samaynta aflaamta laysugu keenay aktarada badan.

6. Sharman Joshi ninkan waxaa soo maray xili uu fanka kusoo raaxeystay micnaha waxa uu heli jiray samaynta aflaamo waa weyn laakiin markii waxa ku dhacday hoos u dhac isagoo u weecday inuu doorar yar ku yeesho aflaamta laysugu daray aktarada waa weyn sida 3 Idiots iyo range de basant sidoo kale Sharman waxaa lagu xasuusta aflaamta sequel ah sida Golmaal iyo Hate Story 7.

Shreyas Talpade aktarkan shactirada badan waxa uu xili walba kasoo muuqda aflaamta shactirada maadamaa uu yahay aktarka ku caan baxay doorkaas Shreyas waxa uu in badan la xiiseeya marka uu kusoo muuqdo aflaamta taxanaha ah sida Golmaal iyo Housefull.

8. Tushar Kapoor Tushar Kapoor waxa uu fanka ku bilowday si wanaagsan oo guul ku dheehan laakiin hadda waayihiisa aktarnimo kaliya waxa uu kusoo koobmay inuu kasoo muuqdo filimka taxanaha ah ee Golmaal afartiisa qaybood weliba isagoo dhagool ah.

9. Uday Chopra Uday Chopra waxa uu ka mid ahaa aktarada aan taageeri jiray marka ay fanka ku cusbaayeen maadaama xiligaas uu samayn jiray aflaamo macaan isagoo aflaamtaas ku lahaan jiray door wacan sida Mere Yaar Ki Shaadi Hai iyo Mohabbatein laakiin aktarkan waayihiisa dambe waxa uu noqday mid dhuma kaaso kaliya lagu arko taxanaha Dhoom kaaso uu iska leeyahay walaalkiisa Aditya Chopra

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here