1. Ronnie Screwvala Ronnie Screwvala waxa uu ka mid yahay Producerada ugu caansan gudaha bollywoodka isagoo madax u ah shirkada qarash-garaysa aflaamta ee UTV taaso awood u yeelatay inay aflaamta ka dhex shaqeyso ku dhawaad 35 waxaana ninkan hanitidiisa lagu qiyaasay $ 200 million

2. Arjan Lulla macquul dadka inta badan inaysan aqoonin ninkan laakiin Arjan waa shaqsiga iska leh shirkada caanka ah ee Eros International taaso ka mid shirkadaha ugu weynaa kuwaaso soo saara aflaamta waxaana shirkadan ay ka shaqeesa inka badan 51 dal halka Arjan Lulla uu haysto hanti gaaraya $450 million

3. Aditya Chopra ka dib Yash Chopra waxaa shirkada Yash Raj Films gacanta ku dhigay wiilkiisa Aditya Chopra kaaso shirkadan gaarsiiyay heerkii ugu sareeyay 20 sano ee lasoo gudbay isagoo soo saaray aflaamta ugu weyn ee qarnigan Aditya Chopra hanitidiisa waxaa lagu qiyaasa inay dhan tahay $800 million kaliya maahan lacagaha u haysto micanaha waxaa laysugu daray qiimaha uu ku fadhiyo shirkadiisa iyo lacagaha u haysto

4. Karan Johar qof walba ayaa si weyn u yaqaana Karan Johar iyo shirkadiisa Dharma Production taaso ka mid shirkadaha ugu wanaagsan ee soo saarta aflaamta sidoo kale karan waxa lagu tilmaama Directorada ugu wanaagsan gudaha bollywoodka isagoo shirkadiisa Dharma Production ay soo saartay aflaamta ugu waa weynaa taariikhda bollywoodka sida Kuch Kuch Hota Hai , Kabhi khushi kabhi gham , Kal Hoo Na Ho , My Name Is Khan , Student Of The Year , Baahubali labadiisa qaybood , 2.0 iyo kuwa kale oo badan Karan Johar hanitidiisa waxa ay dhan tahay $200 million

5. Ekta Kapoor gabadhan la dhalatay aktarka Tushar Kapoor ayaa waxa ay ka mid tahay filim soo saarayaasha ugu caansan dalka india iyadoo iska leh shirkada caanka ah ee Balaji Telefilms iyadoo hadda ka soo saarta musasalada ugu caansan dalka india sida taxanaha Naagin , Kassauti Zindagi , iyo kuwa kale oo badan sidoo kale Ekta Kapoor waxa ay shirakadeeda Balaji soo saartay aflaamo badan oo bollywood sida Veere Di Weddings , Ragini MMS , Half Girlfriend iyo kuwa kale oo badan Ekta Kapoor hantideeda waxaa lagu qiyaasa inay dhan tahay $13 million

6. Shah Rukh Khan iyo Gauri Khan labadan lamaane waxa ay ka mid yihiin lamanayaasha ugu guulaha badan bollywoodka iyagoo si wadajir ah u wada leh shirkada caanka ah ee Red Chillies Entertainment sidoo kale Shah Rukh Khan iyo Gauri Khan waxa ay si wadajir u wada qarash-gareeyeen aflaamo caan ah kuwaaso laga helay macaash waali ah sida Happy New year , Chennai express , Ra One , Om Shanti Om , My Name Is Khan , Main Hoon Na , Don 2 , Chalte Chalte , Raees , Dilwale , Devdas , Badla iyo kuwa kale waxaana labadan lamaane hantidooda lagu qiyaasay inay dhan tahay $700 million

7.Anil Ambani qoyska Ambani waa kuwa ka dhex muuqdaan meel walba oo ganacsi laga sameeyo sida aflaamta Anil Ambani waxa uu iska leeyahay shirkada caanka ah ee Reliance Entertainment iyadoo shirkadan ay ka mid tahay shirkadaha ugu awoodda badan xiligan bollywoodka waxaana ay soo saartay filimo badan oo guuleystayn sida 3 Idiots , Ghajini , Singh Is King , Singham , Bodyguard, Holiday iyo kuwa kale oo badan Anil Ambani waxaa uu haystaa lacag dhan $ 1.7 billion

8. Amir Khan Amir Khan waa aktar tijaabiyay shaqo walba oo bollywoodka sida jilaa , Director iyo filim soo saare isagoo leh shirkad lagu magacaabo Amir Production waxaana ay shirko ku yihiin isaga iyo xaaskiisa Kiran Rao Amir Khan shirkadiisa Amir Production waxa ay qarash-gareeysay filimada sida Dangal , Taare Zameen Par , Secret Super Star , Jaane Yu Ta Ya Jaane Na , Peepli Live iyo kuwa kale oo badan Amir Khan Hanitidiisa waxaa lagu qiyaasa inay dhan tahay $180 million

9. Sooraj Bartajya ninkan waa shaqsigii si weyn usoo caan bixiyay aktarka Salman Khan markii uu fanka bollywoodka ku cusbaa isagoo u sameeyay aflaamo classic ah sida Main Pyaar Kiya , Hum Aapke Hain Kaun , Hum Saath Saath Hain iyo filimo Kale Sooraj waxa uu ka mod yahay filim soo saarayaasha ugu taajirsan bollywoodka isagoo dhawaan macaash waali ah ka helay filimka Prem Ratan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here