Xidigaha Bollywoodka dhib badan ayee ka maraan markee duubayaan muuqaalada dareenka kudheehan ee atooraha iyo atiriishada si weyn isugu soo dhowaadaan waana muuqaalo sameeynta dhib badsn yihiin.

Waxaan maqaalkaan idinkugu sio bandhigi doonaa 9 jeer ay dhacday in atooraha iyo atiriishada isku fogaadaan ayagoo muuqaalka dareen ah duubayaan sida shumiska iyo wixii lamid ah mararka qaar atooraha ayaa ku taraaraxo isagoo gabadhs jirkeeda qeyb kamid ah gacanta la aadayo.

Halkaan hoose kaga bogo maqaalka qeybtiisa kowaad 9 jeer ay dhacday in atoorayaasha Bollywoodka iyo atiriishooyinkaba isku talax tageen inkastoo atoorayaasha u badnaayeen iyo dhibka laga maray muuqaaladan markii la sameynaayey sida in dhowr jeer lagu soo celiyay:

Dalip Tahil Iyo Jaya Prada: jilaaga doorarka xumaanta ah sameeyn jiray Dalip Tahil caan ayuu ku ahaa marka uu muuqaal dareen ku dheehan sameeynaayo inuu iscelin waayo Control-kiina beelo waa wax lagu yaqiinay hada kahot Atiriishada Jaya Prada asoo muuqaal dareen la duubaayo ayuu is hilmaamay markee iska fujin weysayna dharbaaxo ayee miirkiisa ugu soo celisay.

bollywood

Ranjit iyo Madhuri Dixit: Filimka Prem Pratigya waxaa kujiro muuqaal kufsasho lagu jilaayo oo ay wada jilayaan Madhuri Dixit iyo laadarka Ranjit muuqaalkaas Madhuri wax badan ayee dareentay wixii markaas ka dambeyay waxay Ranjit kaga digtay inusan waligiis dambe jirkeeda taabanin maadama uu xadkii dhaafay kana faaideystay fursadaas.

bollywood

Prem Nath iyo Faryal: jilaaga bari samaadkii Prem Nath waxaa lagu amray hada kahor inuu muuqaal kufsi ah la duubo atiriishada Faryal balse waxaaba loo maleeyay inuu si dhab ah u kufsanaayo khalad weyn ayuuna galay oo uu raali galin ka bixiyay markii dambe.

bollywood

Lasoco qeybta seddexaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here