Home » . » 9-ka Atoore ee xiligaan Bollywood-ka filim gadi karaan iyo sanadkaan sida uu xaalkooda yahay

9-ka Atoore ee xiligaan Bollywood-ka filim gadi karaan iyo sanadkaan sida uu xaalkooda yahay

Ajay Devgn wuxuu muujiyay in awoodiisa Boxoffice-ka bilaabashada weli taagan tahay madaama Baadshaho maalinta kowaad 10 Crore ku bilaawday.

Sida Boxoffice India horey noogu cadeesay 9-atoore oo xidigo awood u leh inay filimada gadaan ayay xiligan Bollywood-ka heestaan waana  (Salman Khan, Aamir Khan, Shahrukh Khan, Akshay Kumar, Ranbir Kapoor, Hrithik Roshan, Varun Dhawan, Ajay Devgn iyo Ranveer Singh).

9-ka xidig ee sare ku xusan badankooda sanadkaan filimo ayay la imaadeen marka laga reebo Aamir Khan iyo Ranveer Singh oo aan wax filim ah weli usoo bixin.

Ranbir Kapoor iyo Hrithik Roshan ayaa niyad jab la tageen sanadkaan madaama filimadooda Jagga Jasoos iyo Kaabil ku guul dareesteen inay maalinta kowaad xisaabta labo god laha (Double Digit) gaaraan ama ugu yaraan 10 Crore soo xareeyaan.

Salman Khan iyo Shah Rukh Khan filimadooda bilaabashada ugu wanaagsan wey sameeyeen waxayna muujiyeen inay fanka weli ugu awood badan yihiin laakiin heerkii laga rabay aflaantooda ma gaarin fariinta ay doorteen oo aad u liidatay awgeed.

Xidigaha heerkii laga filaayay sanadkaan gaareen sidoo kalena Bollywood-ka farxad galiyeen waa Akshay Kumar oo labo jeer dadka farxad galiyay (Jolly LLB 2 & TEPK) iyo Varun Dhawan oo Badrinath Ki Dulania Hindiya ku qabsaday sidoo kalena Judwaa 2 la rajeenayo inuu bandhig wacan sameeyo dhamaadka sanadkaan.

Fadlan si gaar ah u fiiri 9-ka atoore ee xiligaan Bollywood-ka ugu awooda badan ama filim dadka ku qasbi karaan inay usoo daawasho tagaan sida ay sanadkaan aflaantooda ku bilaawdeen:

  1. Tubelight – 20.55 Crore (Salman Khan)
  1. Raees – 20.29 Crore (Shahrukh Khan)
  1. Jab Harry Met Sejal – 14.69 Crore (Shahrukh Khan)
  1. Jolly LLB 2 – 12.06 Crore (Akshay Kumar)
  1. Badrinath Ki Dulhania – 11.68 Crore (Varun Dhawan)
  1. Toilet Ek Prem Katha – 11.34 Crore (Akshay Kumar)
  1. Baadshaho – 10.15 Crore(Ajay Devgn)
  1. Half Girlfriend – 9.27 Crore (Arjun Kapoor)
  1. Jagga Jasoss – 8.21 Crore (Ranbir Kapoor)
  1. Kaabil – 8.02 Crore (Hrithik Roshan)