Superstar Akshay Kumar Filimada uu saxiixday tirada ayee ka bateen waxaa hada keeydka ugu jiraan Filimada kala ah Laxmmi Bomb, Bell Bottom iyo Prithviraj sido kale Good Newwz ayaa udiyaarsan oo 27 Dec 2019 la daawan doona halka sooryavanshi uu duubis kuwado.

Wararka waxay sheegan atooraha Filimka Mission Mangal inuu Filim kale la saxiixda Ace Filimmaker Priyadarshan inaba caadi ma ahan wada shaqeynta labadan halyeey oo la isla jecel yahay xili walbo. Filim shactiro ah ayee wada sameeyn doonaan sida wararka sheegayaan waxaana ugu dambeysay Filim ay wada sameyeen 9 sano kahor Filimkii Khatta Meetha ee 2010 la daawaday Priyadharshan ayaa afkiisa ka shaaciyay filimkaan inee ka howl gali doonaan waxuuna yiri.

“Akshay in badan wuu igu kalsoon yahay waxuu ogyahay Filim haduu ila sameynaayo inuu guuleysanaayo Filimkaas doorkiisana aan Classic ka dhigaayo 9 sano kahor ayaa isugu keen dambeysay inaa wada shaqeyno aad ayuu ugu faraxsan yahay Filimkaan shactirada ah aan sameeyn doonno ana sido kale waxaan arkay doorar iska caadi ah inhu sameeyay sanadihii u dambeyeen sida Padman balse hada ayuu doorarkiisa Classic-da ahaa sameeyn doonaa.”

Waxaa la sheegay Filimkaan in September 2020 duubis lagu bilaawi doono maadama wixii intaas ka horeeya Akshay la helo karin oo uu Filimo badan isku hor duubi doono dhanka shaqada Priyadarshan waxuu ku mashquulsan yahay Hungama 2 oo ah qeybtii labaad Filmkii Hungama shactirada dhameestiran ahaa ee bilawgii qarnigaan la daawaday.

Waxaa wada jili doonaan jilayaasha qeybta kowaad sida Akshay Khanna, Aftab Shivdasani, Rimi Sen, Paresh Rawal iyo kooxdii shactirolayaasha oodhan halka Shilpa Shetty qeybtaan lagu soo daray dhamaadka 2020 ayaana la daawan doona Akki dhankiisa Sooryavanshi ayuu duubis kuwadaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here