Waxaa gabo gabo kudhow sanadka 2019 sidaa aawged dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa iyo aqbaaraadkii xiisaha lahaa ayaa dib loo milicsaday oo misane iyagoo lasoo uruuriyay lasoo daabacaya.

Shabakadaha waaweyn qaar kamid ah ayaa soo daabaceen 9 xidig Bollywoodka katirsan kuwaaso sanadkaan 2019 waalidiin noqdeen oo kuwii haween ahaana caruur ayee dhaleen kuwii ragga ahaayen caruur ayaa loo dhalay waa 9-xidig oo isugu jiraan Ragg iyo dumar, jilaa iyo qarash gareeye iyo waliba kuwa kale hoos kaga bogo:

Kapil Sharma: shactiroolaha caanka ka ah Tv-yada hindiya ahna jilaa caan ah waxaa loodhalay 10 December 2019 gabar isagoo guursaday 12 December 2018.

Sameera Reddy: atiriishadii filimka Race Sameera aya dhashay gabar 12 July 2019 waana ubadkeeda labaad maadama horey wiil ugu joogay xidigtaan Bollywoodka laga waayey waxay noqotay hooyo caruurteda iyo qoyskeeda ku mashquusha.

Surveen Chawla: atiriishada Hate Story 2 ayaa iyadana gabar dhashay sanadkaan 2019 “ma qiyaasi karo farxadeyda mana ahan waxaan ereyo kusharaxi karo aadba ugu faraxsanahay in gabar yar qoyskeyga kusoo biirto” sidaa waxaa tiri Surveen oo sanadkaan hooyo noqotay Bollywoodkana iska dhaaftay.

Esha Deol: gabadha qoyska Deol ku faananan Esha waxay iyadana dhashay sanadkaan 2019 gabar mar ay baraha bulshada taageerayaasheda ugu mahadcelineysay waxay tiri,”waad ku mahadsantihiin sida aad iigu duceyseen aniga iyo qoyskeyga iyo jaceylka ii muujiseen.”

Ekta Kapoor: gabadha qarash gareyso filimada iyo musalsalada ayaa sido kale dhashay wiil sanadkaan 2019 hooyo ayeena noqotay waliba hab bacramin ah ayee kudhashay.

Purab Kohli: atooraha Filimka Rock On Purab Kohli ayaa 26 Janaayo 2019 loo dhalay wiil waaana cunugii labaad uu aabo u noqday. Amy Jackson: 23 Sep 2019 ayee atiriishadan dhashay wiil waana markii ugu horeysay Amy hooyo noqotay Bollywoodkana wey ka fariisatay hader.

Freddy Daruwala: Jilaagan oo kasoo muuqday Filimka Race 3 ayaa aabo noqday3 Feb 2019 waxaaba loo dhalay wiil. Ankit Tiwari: heesaaga caanka ah Ankit Tiwari ayaa loo dhalay gabar markii loo dabaal dagaayey sanadka cusub 2019 ama bilawgii sanadkaan.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here