Waxaa maalintii shalay aheyd geeriyooday aabaha dhalay atariishada caanka ah una dhaxdo jilaaga Burak Ozcivit kaasoo in mudo ahba la dhibtoonayay cudurka halista ah ee Kansarka ah.

Fahriye aabaheeda ayaa mudo 4 sano ah wuxuu la xanuunsanaa cudurka kansarka ah gaar ahaan kansarka caloosha asigoona ugu dambeyn shalay oo arbaco aheyd u geeriyooday.

Fahriye aabaheeda ayaa sanadkii hore qaliin caloosha maray balse sidii larabay looguma guuleysan asigoona cudurka kansarka caloosha ugu dambeyn shalay u geeriyooday.

Jilaaga Burak Ozcivit ayaa kasoo tagay goobtii lagu duubaayay taxanaha Kurulus Osman wuxuuna u yimid xaaskiisa si uu ugu tacsiyeeyo una garab istaago.

Bahda Filimside waxay leedahay Allaha u naxariisto geerida ku timid Fahruye aabaheeda kaasoo maanta lagu duugay magaalada Stanbull.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here