Aabaha dhalay gabadha caanka ah ee reer Falastiin misna heysato dhalashada USA Bella Hadid oo iclaamiyay inuu muflisay.

0
1823

Bella Hadid waa mid kamid ah gabdhaha ugu caansan dunida uguna da’da yar ayadoo gabadhaan quruxda badan ay caan kutahay dhanka Modelka waxaana dhalay Millionerka reer Mareykan balse asal ahaantiisa kasoo jeedo wadanka Falastiine ee Mohamed Hadid.

Millionerkaan Mohamed Hadid ayaa isbuucaan iclaamiyay inuu muflisay isla markaasna faqiiroobay kadib markii ay circa isku shareereen deymaha lagu leeyahay shirkadiisa Strada LLC 901.

Sida wargeysyada aduunka lagu shaaciyay Millionerkaan ayaa waxaa shirkadiisa lagu yeeshay deyn kabadan 50 Million oo dolar taasoo ay ku yeesheen dhowr shirkadood waxaana uga sii dartay markii la sheegay mashruuc uu ku rajo weynaa kaasoo uu guri weyn kaga dhisaayay USA lagu soo wargaliyay inuu khilaafay nadamka deegaanka isla markaasna gurigaas la dumin doono.

Duminta guriga ayaa waxay Mohamed Hadid ku noqotay dhabar jab weyn waxaana la sheegay in xitaa uusan heynin qarashkii guriga lagu dumin lahaa maadaama mashruuca deyn lagu dhisaayay taasoo keentay in mashruucii burburo deymihiina lagu yeesho waana sababta keentay inuu iclaamiyo inuu muflisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here