Home » Arimaha Bulshada » Aabe tacsi u bedelay xafladdii arooska ee gabadhiisa ka dibna qudha iska jaray (Warbixin murugo leh)

Aabe tacsi u bedelay xafladdii arooska ee gabadhiisa ka dibna qudha iska jaray (Warbixin murugo leh)

Xaflad aroos ah oo ka dhacday dalka Yemen ayaa kusoo dhammaatay qaab murugo ah, ka dib markii aabaha dhalay gabadhii caruusadda aheyd oo madaxa looga jiro uu dilay sideed haween ah, afar caruur ah ka dibna uu isagu qudha iska jaray.

18 shaqsi oo kale ayaa dhaawac kasoo gaaray shaqaaqadaan, waxaana ku jira haween iyo caruur, waxaana uu shilkaan argagaxa leh ka dhacay magaalada Yarim ee dalka Yemen.

Aabaha dhalay caruuradda madaxa ayaa looga jiray, waxaana lagu magacaabaa Hazaa Sharman, warbaahinta Yemen ayaana sheegeysa inuu ahaa askari shaqada ka fariistay.

Hazaa Sharman ayaa xafladda arooska soo galay isagoo qori iyo bamboo gacmeed ku hubeysan, ka dibna wuxuu laayey dadkii xafladda isugu yimid, dhimashada 12 shaqsi ayuuna sababay.