Aamir Khan iyo Kareena Kapoor Khan ayaa mudo kadib wada shaqeenayaan ayagoo horey u wada sameeyeen filimada 3 Idiots iyo Talaash markaana waxay ku midoobeen filimka la wada sugaayo Laal Singh Chaddha.

Aamir ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in duubista filimkan bilaaban doonto 1 November 2019 waxayna ka bilaaban doonaa gobolka Punjab.

Kareena iyo Aamir shaqada waxay ka bilaabayaan duubis ahaan ayagoo 20 jiro ah oo kuleej dhigtaan waqti wacan wada qaadanayaan kadibna nolosha ku kala tagayaan markee is fahmi waayaan waxayna marayaan marxalado kala duwan 30 jiro iyo 40 jiro ayagoo ka weyn ayay dib isku heli doonaan.

Aamir Khan ayaa 20 kiilo miisaankiisa ka riday si uu doorka Tom Hanks ku matalay filimkii Foresg Gump (1994) kaga run sheego madaama Aamir filimkiisa sheeko ahaan mashruucan Hollywood ka ah laga soo min guuriyay wuxuuna Aamir sheegay in mudo 8-sano ah dadaal ugu jiray sidii uu xuquuqda Tom Hanks filimkiisa usoo iibsan lahaa ugu dambeyntiina u hirgashay.

Filimka Laal Singh Chaddha marka laga soo tago Punjab waxaa kaloo lagu duubi doonaa Delhi, Gujarat, Mumbai, Kolkata, Bengaluru iyo Hyderabad waxaana Director ka ah Advait Chandan qorshahana wuxuu yahay in la daawado Christmas 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here