Aish waa mid kamid ah haweenka adduunka ugu quruxda badnaa ee taariikh ahaan soo mareen malaayin niman ah ayaa jeclaadeen xidigtaan balse riyadooda uma suurto galin oo waxaa calaf u yeeshtay Abhishek Bachchan oo marwadiisa ay noqotay.

Waxaan idiin heynaa macluumaad ku saabsan nolosheeda lagana diiwaan galiyay waayaheda fanka hindiya intee ku guda jirtay bal hoos kaga bogo:

1-Sanadkii 1994 ayee noqotay gabadha dunida ugu quruxda badan (Mss World) waana atiriisho maqaamkaas ku faanto dhowr jeer oo kale ayaa ka gudoonsiiyay bilado quruxdeeda lagu qiimeeyay.

2-Sanad kadib markii loo aqoonsaday mida ugu quruxda badan caalamka Bollywoodka ayaa aflaam kala duwan usoo bandhigeen waxaana ugu caansanaa Filimadii loo soo bandhigay Raja Hindustani oo Aamir Khan hogaamiye ka ahaa wey iska diiday xidigtaan maadama xiiso Bollywood waqtiga kujirin bedelkeedna Karisma Kapoor ayaa gashay oo Filimka Atiriisho ka noqotay.

3-Sanadkii 1999 waxay la saaxiibtay Mega Star Salman Khan oo ay isku barteen Filimka Hum Dil De Chuke Sanam balse 2002 xiriirkooda wuu bur buray dabeecadooda oi isfahmi weysay aawged Aish ayaana wax badan ka tirsatay Salman iyo khaladaad uu ka galay xidigtaan.

4-Filimkeedii ugu horeeyay waxuu ahaa Iruva waana Filim Tamil ah sidaa aawgeed Aish fanka dhanka koonfur India ayee kasoo gashay kadib Bollywoodka waxay kusoo caan baxday Filimkii Aur Pyaar Ho Gaya oo Bobby Deol la jilay isla sanadkii 1997 ayaana la daawaday labada Filim ee Aish ugu horeyeen.

5-Waxay u dhaxdaa jilaaga caanka ah Abhishek Bachchan oo uu dhalay Mega Superstar Amitabh Bachchan (Cali Dheere) sanadkii 2007 ayeena is guursadeen lamaanahan waxaana u joogto gabar lagu magacaabo Aaradhya.

6-Xidigaha ay Bollywoodka ka taageerto waxaa kamid ah seygeeda Abhishek Bachchan, sodogeed Amitabh Bachchan, Shah Rukh Khan, Raj Kapoor iyo Sanjay Dutt hooyadiis Nargis oo atiriisho bari samaadkii ahaan jirtay waxayna Aish xidigahan u aqoonsantahay inee yihiin kuwa ugu xirfada wanaagsan taariikh ahaan fanka hindiya.

7-Diinta Hinduuga ayee heystadaa 46-jirtaani waxayna xiriir lasoo sameeysay marka Salman laga doo tago Rajeev nin la dhaho oo Model-ka ay isku barteen iyo jilaaga Vivek Oberoi.

8-Aishwarya Rai waxay aaminsantahay in waqtigaan la joogo aysan dunida ku nooleen dumar iyada ka qurux badan marwalbana waxay ku dadaasha in quruxdeeda is dhimin mana jecla in laga dhigo haweeney Da’ah marwalba gabadha ama inanta in la dhaho ayee iska jeceshahay waana sababta ay isku dagaalen iyada iyo Sonam Kapoor hada kahor xili Sonam ku dhawaaqday inee Aish eedo utahay.

9-Aish waxay sameeysay 31 Filim guud ahaan 11 kamid ah ayaa u guulestaan halka 11-kaas 7 kamid ah Hit dhameestiran u noqdeen Filimadeeda ugu caansan ee Big Hits-ka noqdeen waxaa kamid ah Mohabbtein-Blockbuster, Dhoom 2-Blockbuster, Devdas-Hit, Hum Dil De Chuke Sanam-Hit iyo kuwa kale.

10-180 abaal marin ayaa la gudoonsiiyay Aishwarya Rai waayaheeda waxayna ku qaadatay siyaabo kala duwan sida jiliinka, quruxda, Fashion-ka Labiska-ka iyo abaal marino kale oo lagu sharfay dhanka Filimfare-ka waxay ku guuleysatay tiro 2 jeer ah abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan oo ay ku qaadatay Filimada kala ah Hum Dil De Chuke Sanam iyo Devdas.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here