Home » Nolosha Jilaayaasha » Aamir Khan (China), SRK (Germany) Iyo 7-Jilaa Oo Hindi Ah Kuwaas Oo Dal Gaar Ah Shacbiyad Baalaran Ku Leh

Aamir Khan (China), SRK (Germany) Iyo 7-Jilaa Oo Hindi Ah Kuwaas Oo Dal Gaar Ah Shacbiyad Baalaran Ku Leh

Mr, Perfectionist Aamir Khan suuq u gaar ah ayuu sameestay iyo malaayiin taageero ah asigoo ku yeeshay dalka China.

Waxaa la sheegay Aamir Khan inuu saacado kooban kasoo muuqday Video ama muuqal baraha bulshada China laga isticmaalo aalad ah waxaana durba xidigaan la fal galeen in ka badan 20-milyan oo taageero ah!

Hadaba shabakada Bollywood Life waxay soo bandhigtay 7-jilaa oo Hindi ah kuwaas oo dal gaar ah oo an Hindiya ahayn shacbiyad balaaran ku leh ama si waali ah looga taageero:

Aamir Khan (China): Aamir Khan filimadiisii 3 Idiots, Dhoom 3, PK iska hilmaan ganacsigii ay China ka sameeyeen waayo Dangal ayuu wuxuu dhigayaa wax waali ah.

Reer China inta ay ka yaabeen ninkaan filimadiisa cajiibka ah iyo sida uu usoo jiitay waxay ula baxeen Adeer Khan ama Aamir – Uncle Khan!

Shah Rukh Khan (Germany): Inkastoo SRK meel walbo dunida taageero baaxad leh ku leeyahay hadana dalka Jarmalka kusii jirto, weliba reer Jarmal SRK jaceyl waali ah ayay u qabaan filimkasto oo uu hogaamiye ka yahay Blockbuster ayuu halkaas ka noqdaan.

Sidoo kale SRK wuxuu taageerayaal badan ku leeyahay Koonfur Korea, France, UAE iyo meelo kale.

Amitabh Bachchan (Egypt/Masar): 80-maadkii ayuu soo bilaawday Big Bachchan jaceylka waalida ah oo ay reer Masar u qaadeen ilaa haatana agtooda lagama maro.

Xitaa fanka Masar marwalbo ayay casuumaan Amitabh xiliga ay xafladaha qabaan waxaana loo soo dhaweeyaa si aan caadi ahayn asigoo roog gaduudan loo dhigo.

Waa wax iska caadi ah dalxiise Hindi ah marka uu booqdo su’aasha ugu horeyso oo ay reer Masaari weydiiyay waa “Ma taqaan Amitabh Bachchan?”

Madhuri Dixit (Pakistan): waa wax dabiici ah reer Pakistan jaceylka Bollywood-ka wey ka siman yihiin, laakiin Madhuri reer Pakistan qalbiga ayay ka xaday waxayna gudaha Pakistan ku leedahay shacbiyad aan lasoo koobi karin.

Sidoo kale qurbo joogta reer Pakistan waxay ka wada siman yihiin taageerida iyo jaceylka marka ay ku arkaan London, Dubai, New York iyo meel kale Madhuri si aan caadi ahayn ayay usoo dhaweeyaan.

Rajinikanth (Japan): reer Japan inta badan ma xiiseeyaan filimada Hindiga ah laakiin waxaa si gaar usoo jiitay Super Star Rajinikanth weliba filimadiisa qaar sida Muthu, Baasha, Padayappa, Robot dhamaantooda halkaas Blockbusters ayay ka noqdeen.

Reer Japan marwalbo ayay Rajini ka codsadaan inuu soo booqdo ayagoo goobo soo dhaweyn oo qaali ah u diyaariyeen waxaa la rajeynaa Rajini inuu Japan booqan doono bilawga sanadka dambe madaama filimkiisa Robot 2.0 Af Japan lagu codeeyay sidoo kalena tiyaataro fara badan oo halkaas ku yaalo laga daawan doono.

Raj Kapoor (Russia): Reer Rusia 50-maadkii iyo 60-maadkii waxay si waali ah u jeclaayeen Super Star Raj Kapoor sidoo kalena filimadiisii Awara and Shri 420 cashar ayay ka barteen ayagoo dhiiri galin u noqdeen bulshadii hanta goosadka ahaa ee Rusia dib u dhistay.

Sidoo kale Mithun Chakraborthy isagana Rusia 80-maadkii wuxuu ku yeeshay shacbiyad xad dhaaf ah ilaa haatana siweyn ayaa halkaas looga jecel yahay gaar ahaan filimkiisii Disco Dancer Blockbuster weyn ayuu halkaas ka noqday.

Chunky Pandey (Bangladesh): Dib u xasuuso bilawgii 80-maadkii iyo 90-maadkii markii Chunky Pandey uu ahaa atoore caan ah oo filimadiisa siweyn loo jeclaa.

Waxaa dhacday in Chunky Pandey uu sameeyay aflaan Bangladhesh ah halkaasna Super Star weyn ayuu ka noqday wuxuuna gaaray in shacab weynaha Bengladhesh oo dhan jaceyl xad dhaaf ah u qaadaan.

Xiligaan Chunky Pandey asigoo da’diisa horey u badatay hadii uu Bangladhesh booqdo soo dhaweynta kumanaan qof ayaa isugu soo baxdo madaama siweyn halkaas looga jecel yahay.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

One Response to Aamir Khan (China), SRK (Germany) Iyo 7-Jilaa Oo Hindi Ah Kuwaas Oo Dal Gaar Ah Shacbiyad Baalaran Ku Leh

  1. srk Reply

    October 13, 2017 at 1:53 am

    salman khan iyo akshey kumar dal ay shacbiyad ku leeyihiin ma jiro miyaa ceeb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *