Superstar Aamir Khan wuxuu haatan ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa Laal Singh Chaddha oo ay la jileyso Kareena Kapoor Khan lana daawan doono Christmas 2020 balse Aamir ciwaano kale ayuu sameenayaa waxaana sabab u ah in gabadhiisa Ira Khan baraha bulshada heesato madaama ay banaanka soo dhigtay qofka nolosheeda ku qaaliga ah ama ay weheshato.

Ira Khan ayaa dunida bartay jaceylkeeda lagu magacaabo Mishaal Kirpalani waxayna sheegtay inay kasoo gudubtay xiligii ay xiriirkeeda qarin laheyd madaama Mishaal haatan nolosheeda muhiim u yahay aadna ugu faraxsan tahay inuu wehelkeeda kowaad yahay sidoo kalena ku taamayaan mustaqbalka dhow inay isla aqal galaan ama xiriirkooda rasmi ka dhigaan.

Ira Khan waxay tiri “Waxaan soo dhigayaa baraha bulshada wixii xaqiiqo ah dareenkeyga raali ka yahay sidaa darteed wax aan qariyo ma haayo madaama Mishaal Kirpalani oo wehelkeyga kowaad yahay aadna isku jecel nahay” Sidaas waxay u sheegtay shabakada IANS xili ay Ira Khan ka muuqatay yididiilo ku aadan jaceylkeeda sida ay ugu kalsoon tahay.

Ira Khan oo hadalka sii wadato waxay tiri “Labo sano ayuu xiriirkeena jaceyl sare u dhaafay sidaa darteed waa mid sal dhigtay anigana waxaan ahay qof aan waxba qarinin waana qasab wixii aan ku qanacsanahay inaan banaanka soo dhigo mana doonayo inaan xiriirkan qar qariyo madaama aan farxad ku heesto.”

Aamir Khan gabadhiisa Ira Khan dhanka fanka ayay dhawaan kusoo biirtay madaama dhamaadkii sanadka hore ay agaasintay ama Director ka noqotay ruwaayad lagu magacaabo Euripides’ Medea aad ayaana loo amaanay qaabka ay ruwaayada u agaasintay waxaana wax ka jilay walaalkeed Junaid Khan ayadoo sidoo kale aabaheed uu ka helay hal abuurka gabadhiisa la imaaday kana balan qaaday inuu arimaha fanka wax weyn ka caawin doono haddii ay shaqo joogto ah ka dhigato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here