Mr. Perfectionist of Bollywood Aamir Khan wuxuu aad u jecel yahay marwalbo iyo goob walbo inay hooyadiis Zeenath Hussain garab taagnaato markaana wuxuu sheegay in fasaxa kowaad ama amarka kowaad ee duubista filimkiisa Laal Singh Chaddha daaha ka qaadi doonto hooyadiis.

Aamir Khan ayaa si rasmi ah duubista filimkiisa Laal Singh Chaddha u bilaabi doono 31-da bishan October ama todobaadkan gudihiisa waxaana duubista kowaad “Action” dhihi doonto hooyadiis Zeenath Hussain oo fasixi doonto in shaqada si rasmi ah u bilaabato waxaana xusid mudan in Aamir mashruucan soo saare ka yahay sheeko ahaana laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah Forest Gump ee sanadii 1994 Tom Hanks jilay abaal marino badana ku qaatay.

Aamir Khan ayaa miisaankiisa 20-kiilo ka dhimay si uu doorkiisa filimkan kaga run sheego waxaana la xaqiijiyay in 100 magaalo oo kala duwan oo Hindiya ku taalo in lagu duubi doono filimka Laal Singh Chaddha waxaana atirisho kowaad ka ah Kareena Kapoor Khan oo Aamir saaxiibo dhow yihiin horeyna u wada sameeyeen filimada 3 Idiots iyo Talaash.

Filimka Laal Singh Chaddha waxaa Director ka ah Advait Chandan oo horey u sameeyay filimkii Secret Superstar sidoo kalena shirkadaha Viacom18 Studios and Aamir Khan Productions ayaa isla maal galinayaan waxaana la daawan doonaa Christmas 2020 ama dabyaaqada sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here