Director Nitesh Tiwari oo Blockbuster iskadaaye Hit xitaa aan sameynin 2016 wixii ka horeeyay wuxuu la shaqeeyay Aamir 2016. Dangal taariikhda uudhigay waa la ogaa gudaha iyo dibada All Time Blockbuster ayuu ka noqday.

Aamir waligiis hal Director labo Blockbuster uma sameynin marka laga reebo Rajkumar Hirani oo uu u sameeyay 3 Idiots iyo PK. Waa ninkii Director Ram Gopal Varma oo iska caanooleey ah ka salaxday Blockbuster Rangeela midna ogow RGV abidkiis Filim Bollywood Rangeela le BB u noqday Aamir na halkaas mar uu la shaqeeyay.

Si iskoor cusub oo Box-office lacagaha udhaco Aamir ayaa loo baahnaana: Filimkii u horeeyay 100 Crore abid keenay (Ghajini) Filimkii u horeeyay abid 200 Crore keenay (3 Idiots) Filimkii u horeeyay 300 Crore abid keenay (PK) 9-Blockbuster ayuu sameeyay marka guud ahaan Hit dhameestiran la dhahana waa 16-Filim atoore shaashada kaga qaab jiliin fiicnaado inte isla shaqeyeen waa la waayey.

Marka laga reebo Amitabh Bachchan Filimkii Thugs of Hindostan isaga xitaa shaki ayaa kujiro qiimeyn xoog leh ayee u baahantahay. Aamir wuxuu dheeryahay atoorayaasha kale in doorkiisa shaashada uu kujilo isku ekeysiiyo tusaale Dangal jadwalka kowaad markuu duubaayey 80 kiilo ayuu sare udhaafay miisaankiisa si uu isaga dhigo oday dhalay labo gabdhood.

Jadwalka labaadna markuu duubaayey in ka badan 25 kiilo ayuu ka dhimay miisaankiisa si uu isaga dhigo lagdamaa jirkiisa sifiican udhisan marka dhibkaas ayuu doorkiisa ka maraa ninkaan waxuuna jecelyahay 100% in doorkiisa shabaho. Waligiis atoore, atiriisho, director ama shirkad kuma tiirsanaanin xeer waxaa u yaalay shirkadaha, atiriishooyinka iyo Filimsameyaasha uu bed bedlo kuwa cusubna la shaqeyo.

Aamir waa Khan-ka kaliya aan la buun buunin balse ka iskooro badan labada Khans kale intana laguma soo koobi karo maqaamkiisa.

9-Filim Aamir Khan Big Blockbusters-ka u noqdeen:

Qayamat Se Qayamat Tak (Blockbuster)

Dil (Blockbuster)

Rangeela (Blockbuster)

Raja Hindustani (All Time Blockbuster)

Ghajini (Blockbuster)

3 Idiots (All Time Blockbuster)

Dhoom 3 (All Time Blockbuster) PK (All Time Blockbuster)

Dangal (All Time Blockbuster)

Next Salman Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here