10 Janaayo 2020 waxaa si weyn gudaha India iyo daafaha caalamka looga sugayaa Deepika Padukone Filimkeeda Chhapaak oo tiyaatarada la saari doono si loo daawado labo sabab aawged ayaana loo wada sugayaa.

Mida kowaad in la barto nolosha gabadha filimkaan looga hadlaayo taariikhdeeda ee Laxmi Agarwal mida labaadna waa in taageerayaasha Deepika u xiiseyn maadama xidigtaan bilawgii 2018 ugu dambeysay inee shaashadaha kasoo muuqato markaaso ay la timid Padmaavat.

Soo bandhigista goos gooska dhameestiran ee Chhapaak waa laga wada helay waxuuna noqday filim qiiro galiyay dadka badankooda waana lagu ammaanay Deepika sida cajiibka ah ay ujishaday dadka qaar ayaaba u saadaaliyeen inee National Award u qalanto kuna guuleysan doonto 2020.

Bollywood celebrities react to Chhapaak trailer

Hadaba Aamir Khan, Alia Bhatt iyo xidigo badan oo Bollywoodka katirsan ayaa ka hadleen mashruucan waxuu yiri Mr.Prefectionist isagoo Chhapaak ka hadlaayo,”Waa goos goos xiiso leh iyo filim mudan in la daawado dhab ahaantii.”

“Waxaan halkaan kaga hambalyeynayaa Meghna (Director-da Filimka),, Deepika, Virant, Fox (Shirkada Filimka maalgalisay) iyo dhamaan kooxda filimka si qaas ah Deepika oo dareen qiiro leh na galisay dhamaantiina shaqo qurux badan ayaa qabateen.”

Alia Bhatt Instagram-keeda waxay kusoo qortay,”Filim aad iyo aad u wanaagsan waan idinku faana boqortooyo (Deepika iyo Meghna) shaqo wacan ayaad qabateen” kadib Deepika ayaa sidan tan ugu soo jawaabtay,”mahadsanid Aaloo B (oo ay ula jeedo Alia Bhatt)” Alia iyo Meghna waxay kawada shaqeyeen fiimka Raasi oo 2018 la daawaday jilayaasha kale ee ka hadleen waxaa kamid ah Yami Gautam, Ranver Singh iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here