Waxaan horey marar kala duwan idin kula wadaagnay in Superstar Aamir Khan iyo barkintiisa aysan kala harin marwalbo uu safar yahay waxayna u noqotay dhaqan isaga u gaar ah in barkintiisa uu barkado meel walbo oo uu aadayo waa qasab in la arko asigoo gacanta ku wato.

Haatan Kareena Kapoor Khan dhibkeeda baraha bulshada ayay la timid awal jilaayasha ay dhibto lama ogaan jirin laakiin tan iyo markii barta Instagram-ka kusoo biirtay Bebo waxay banaanka soo dhigeysaa sida ay saaxiibadeeda uga xaraabeesato ama u dhibto ayadoo qayaanooyin kala duwan adeegsaneyso.

Kareena dabinkeeda markan waxaa kusoo dhaceen Aamir Khan iyo barkintiisa kadib markii sawir selfie ah ka qaaday Aamir uu waxyar indha gaduudsanayo xili uu ku daalay duubista filimkiisa Laal Singh Chaddha oo ay Kareena Kapoor la jileyso.

Aamir iyo Bebo waxay ku sugan yihiin dhankaas iyo Punjab gaar ahaan gobolka Amritsar oo ay filimkooda ku duubayaan waxayna Bebo sawirkan hadal heynta xoogan abuuray soo raacsiisay qoraalkan “Atooraha aan ugu jeclahay inuu filim ila sameeyo waa Aamir Khan barkintiisa ee isaga ma ahan kkk kkk.”

Dabcan Kareena ujeedkeeda wuxuu ahaa Aamir Khan iyo barkintiisa aan kala harin inay baraha bulshada soo dhigto weyna ka reesay marba haddii ay tiri atooraha aan ugu jeclahay inuu filim ila jilo waa Aamir barkintiisa ileen isagaa barkintan iska dhigi waayay oo meel walbo u qaato kkk kkk.

Aamir Khan wuxuu shalay u dabaal dagay sanad guuradiisa 55-aad balse xidigan shaqada adag ee uu wado ma uusan joojinin madaama uu rabo filimkiisa weyn Laal Singh Chaddha shaqadiisa dib u dhac ku imaanin waxaana filimkan weyn la daawan doonaa Christmas 2020.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here