Mr. Perfectionist Aamir Khan ayaa haatan duubis ku wado filimkiisa weyn Laal Singh Chaddha waxaana la jileyso Kareena Kapoor qorshahana wuxuu yahay Christmas 2020 in la daawado halka shaqadiisa duubis ahaana lasoo idleen doono bisha Maarso 2020 waxaana Director ka ah Adviat Chanddhan oo horey Aamir ugu sameeyay filimkii Secret Superstar (2017).

Haddaba Aamir Khan ayaa aqbalay in isaga iyo Saif Ali Khan ku xifaaltamaan dib u sameynta filimka Tamil-ka ah ee hirgalay ganacsi ahaan iyo sheeko ahaan waa filimka lagu magacaabo Vikram Vedha (2017) waxaana mashruucan isku heleen kuna xifaaltameen R Madhavan oo askari ah iyo Vijay Sethupathi oo gaangester ahaa.

Aamir Khan ayaa matali doono doorkii Vijay Sethupathi  amaanta badan ku helay ee ahaa gaangester-ka la baadi goobayo halka Saif doorkii R Madhavan ee askariga mayalka adag matali doono waxaana mashruucan Director ka noqonayaan Pushkar  iyo marwadiisa Gayathri oo mashruucan asalkiisii marka uu Tamil ka ahaa agaasimeen waxaana sheekada ayadoo Hindi ah dib u qoray filim sameeyaha caanka ah Neeraj sidoo kalena mashruucan la maal galinaayo shirkadaha Y Not Studios iyo Reliance Entertainment.

Waxaa la sheegay in duubista dib u sameynta filimka Vikram Vedha si rasmi ah u bilaaban doonto April 2020 waxaana lagu soo idleyn doonaa jadwal labo ilaa sedex bilood xariir ah waxaana la sheegay in bisha Janaayo la diyaarin doono goobaha filimkan lagu duubi doono ilaa haatana kooxda filimkan waxay xusheen Mumbai, Lucknow iyo Hyderabad in lagu duubo haddii qorshaha sida la rabo u hirgalo waxaa loo badinaa in qaybaha dambe 2020 filimkan xiisaha badan la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here