Andaz Apna Apna waa mid kamid ah Filimada ugu wanaagsan Bollywoodka sameyaan shactiro ahaan waxaana Filimkaan la isugu keenay markii ugu horeysayna hogaamiye ka noqdeen labada Superstars kala ah Aamir Khan iyo Salman Khan.

Filimkaan ganacsi ahaan wuu guul dareestay balse Waa Filim Classic ah oo sheekadiisa aad looga helay markii dambe maalintii isniinta ahed ayuu u dabaal dagaayey sanad guuradiisa 25-aad. Waxaa la daawaday 4 Nov 1994 sidaa aawged 25 sano ayuu jirsaday Karisma Kapoor oo atiriishooyinka Filimka kamid ahed ayaa baraha bulshada soo dhigtau sawiro u gaar ah mashruucan.

Balse Raveena Tandon ayaa shaaca ka qaaday sheeko xiiso leh oo u gaar ah Filimkaan xili ay ka qeyb galesay barnaamij Tv-yada ka baxa waxay sheegtay jilayaasha Filimkaan in wax wada hadal ah dhexmari jirin intii la duubayey Filimka oodhan.

Waa arin laga wada naxay waxaase kasii daran in Raveena sheegtay waliged ineysan daawan Filimkaan intee meel fariisatay oo ay dhameesatay daawashadiisa wali ma dhicin waxay tiri iyadoo sharaxeysa,”i aamina waligey min bilaaw ilaa dhamaad ma daawan wali Andaz Apna Apna marwalbana waan ka mashquuli jiray waad daawan doontaa saan u lahaa 25 sano ayaa lasii maroyaa.”

“Mida kale Filimkaan maba aqaan qaabka aan ku duubnay waxaan ahen dhalinyaro waalan ma i rumeysaneysan hadaan idin dhaho hal maalin ma dhicin oo wada hadal maray Salman Khan iyo Aamir Khan intaan duubeynay Filimka oodhan.”

“Sido kale aniga iyo Karisma Kapoor islama hadli jirin si lamid ah Salman iyo Raju (director-ka Filimka Rajkumar Hirani( wax wada hadal ah ma dhexmarin waligey ma duubin Filim ka caajis badan Filimkaan cid isla hadleysa maba jirin inta badan.”

“Maalin waxaa dhacday in aniga iyo Karisma ha kursi nalagu xiray waxuuna mudane Rajju inoo sheegay in aan nalaga furi doonin ilaa aan iskala hadalno ileen kuwa kala aamusan ayaan ahen halkaas maalin ayaan isla hadalnay xiligaasna kaftan ayaan dhamaanteen wadaagnay balse Aamir iyo Salman nalama joogin waqtigaa.”

Andaz Apna Apna xidigo waaweyn oo maqaam sare fanka hindiya ka gaareen waa la isugu keenay balse maxay kuugu taala he waaba la isku cuqdadeesnaa atoore ilaa atiriisho salaam xitaa la isma dhaafsan waa arin layaab leh waxa Raveena shaaca ka qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here