Mr. Perfectionist of Bollywood Aka Aamir Khan wuxuu ka mid yahay jilaayaasha Bollywood-ka ee guri jooga ah kuwaas oo shaqadooda hakatay sidaa darteed taageerayaashiisa ayuu baraha bulshada kula fal galay asigoo soo dhigay sawirka sare idin kaga muuqdo isaga iyo wiilkiisa Azad Rao Khan oo waqti wada qaadanayaan.

Sida caadiga ah Aamir Khan sawiro badan baraha bulshada masoo dhigo sawirkaana wuxuu noqday mid saameyn xoogan abuuray xili Aamir ka muuqato inuu fikiraayo asigoo wiilkiisa garbaha u saaran yahay halka Azad isaga ku maqan yahay aabihiis wuxuuna ka fikirayaa waxa aabihiis helay oo maankiisa la tagay.

Aamir Khan filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Thugs Of Hinduston oo Diwali 2018 la daawaday waxaan la jileen Amitabh Bachchan iyo Katrina Kaif balse nasiib daro Flop ayuu ka noqday wuxuuna Superstar-kan dhawaan duubis ku waday filimkiisa weyn Laal Singh Chadha oo la daawan doono Christmas 2020 balse duubistiisa hakad ku imaaday waxaana la isla dhex maraa in filimkan daawashadiisa sanadka dambe u dhici doonto.

Dhinaca kale Aamir Khan wuxuu sheegay in filimka Tamil-ka ee Vikram Vedha isaga iyo Saif Ali Khan wada sameyn doonaan marka xaalada caadi kusoo laabato asigoo Hindi ah waana filim nolosha Gaangester ka hadlaayo waxaana la isla dhex maraa in Aamir matali doono doorka gaangester-ka ee Vijay Sethupathi matalay halka Saif matali doono doorka askariga ah ee R Madhavan matalay qaybta asalka ah ee Blockbuster weyn noqday sanadii 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here