Aamir Khan, Kangana, Akshay iyo liiska jilayaasha aaminsan in cadaalad daro loo bixiyo abaal marinada Filimfare Qeybtii 2-aad!!

0
1781

15 bishaan Febraayo waxaa la qabtay xaflada caanka ah ee abaal marinada Filimfare lagu bixiyo waana markii 65-aad shirkadan xafladan qabaneyso sido kale 1954 ayee qabatay xafladii ugu horeysay abaal marinadii ugu horeyeena bixisay.

Filimfare waa shirkada ugu caansan gudaha India ee abaal marinada bixiyaan jilaa walba waliged wuu ku riyoon jiray shirkadaan abaal marinteeda inuu hanto hadaba waxaan idiin heynaa qaar kamid ah xidigaha Bollywoodka ee naceb Filimfare kana aaminsan inee cadaalad daro wax ku bixiyaan.

Ajay Devgn: jilaagan waxuu kamid yahay xidigaha sida weyn u dhaliilaan Filimfare sidonkale maba tago xaflad abaal marin umana badno hadii aad aragto Ajay oo ka qeyb galaayo xaflad abaal marin shirkadee doonto ha noqote waa mar si weyn loogu qasbay waligiis kuma guuleysan bilada Best Actor ee Filimfare balse National Award oo wax walba ka qaalisan ayuu heystaa.

Dharmendra: waligiis lama gudoonsiinin abaal marin Filimfare xitaa abaal marinada kale ee shirkadaha lama siinin waxuuna ahaa Megastar waxyaabaha aadka loola yaabo ayee kamid tahay sida aagwed Lifetime Achivement Award ayuu Filimfare ka heystaa iyadana Dilip Kumar dartiis ayaan ku qaatay ayuu dhahay.

Sunny Deol: reer Deol wey kawada siman yihiin xaflad naceebka oo waa dad xishood badan meelaha xafladaha abaal marinada iyo saxaafada joogaan maba imaadan Sunny sigaar ah Filimfare ayuu dursan yahay oo wuu neceb yahay xidigaan shirkadaas waxuuna aaminsan yahay in musuq maasuq kajiro.

Govinda: Superstar-da aan ealigood abaal marin Filimfare helin ayuu kujiraa rugcadaagan qeybta Best Actor waxuuna hada kahor si fagaaro usheegay inuusan qiimeynin abaal marinta balse uu aad u qiimeyo jaceylka daawadayaasha Filimadiisa uqabaan intaas ayaana igu filan ayuu dhahay boqorkii shactirada 90-maadkii.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here