Aamir Khan, Katrina Kaif Iyo PrabhuDeva Oo Wada Duubayaan Hees Kujirta Filmka Thugs of Hindostan!!

Thugs of Hindostan waa film si weyn loo sugaayo sanadkaan waxaana hogaamiye ka ah Mr.Prefectionist Aamir Khan halka ay kula hogaamiyaan xidigaha kala ah Amitabh Bachchan, Katrina Kaif iyo Fatima Sana Sheikh.

Filmkaan waxaa la daawan doona Diwali-ga sanadkaan 2018 oo ku beegan 7 November, hadaba maanta Katrina Kaif ayaa sawir sare kuxusan soo dhigtay baraha bulshada.

Sawirka sare ayaa waxaa kaaga muuqanayaan Aamir Khan, Katrina Kaif iyo waliba Prabhu Deva waana sawir xiiso leh maadama halyeey ku kulmeen sawirkaan.

Prabhu Deva ayaa heesaha filmkaan dhanka Dance-ga xidigaha bari doono maadama uu Dance-ga aad ugu fiican yahay sida awged kooxda Thugs of Hindostan ayaa hees duubayen halka Prabhu Deva uu caawinaayey si uu u baro dhanka Dance-ga.

 

3 Comments

  1. ZP Ali adan hadan kuweydiyo ado raliya magaca salman khan flim uu kujilayo labo waji oo mid dhimanayo iisheg ado raliya

Comments are closed.