Aamir Khan Kuma Faraxsana Muuqalada Dagaalka Ah Ee Katrina Kaif Laga Duubay Filmka Thugs of Hindostan!

Mr.Prefectionist Aamir Khan wuxuu sanadkaan la imaan doona mashruucisa xiisaha leh ee Thugs of Hindostan kaaso uu hogaamiye ka yahay waxaana la daawan doona Diwaliga.

Wargeyska Mid-Day waxaa kasoo baxaya warar sheegaya in Aamir daawaday muuqalada laga duubay Katrina Kaif filmkaan waliba qeybaha dagaalka balse Aamir kuma qancin shaqada ay qabatay Kaif sidaa awged waxuu ka codsaday inee dib u duubto muuqaladaas dagaalka ah.

Sideeda banana Aamir film uu kujiro hadii uu maalgaliye ka yahay iyo hadii kaleba waxuu Control ku sameya filmkaas marba hadii uu masuuliyda filmka dusha saaranaayo oo uu hogaamiye ka yahay.

Sido kale kooxda filmka iska leh in badan khan wey tixgaliyan fikirka uu soo kordhiyana lamaba diido gabi ahaan waayo waa Mr.Prefectionist qarash gareyaasha oo dhan ayuu soo jiitay ninkaan sida awged Kaif waxaa laga filaa in si deg deg ah talada Khan ku yeeli doonto sido kalena dib u duubi doonto muuqaladan dhaliisha uu ka jeediyay.