Aamir ayaa wareysi lala yeeshtay wuxuuna cadeyay in aysan fiicnen kaliya in la magac hayo sedexda Khan marka laga hadlaayo xidigaha caanka ah waayo ayuu yiri waxaa jiraan xidigo kale oo inbadan caan ah maqaam sarena joogo.

xidigaan ayaa sido kale in badan u hambalyeeyay Super Star Akshay Kumar maadama uu la yimid filimo heer sare ah sida Padman, Kesari, Toilet: Ek Prem Kathaiyo kuwo kale kuwaa so ay bulshada oodhan soo dhaweyeen wuuna uduuceyay fariinta uu layimid xidigaan awgiis.

Aamir oo kahadlaayo arinka sedexda Khan wuxuu yiri,” ma ahan wax fiican oo mana ahan wax cadaalad ah in dadka ay magac hayaan kaliya Aniga, Shah Rukh iyo Salman marka laga hadlaayo xidigaha, sababto ah waxaa jiraan xidigo kale oo xirfad heersare ah leh caana ka ah shirkadaan sida Akshay Kumar.”

sido kale wuxuu xidigaan ka hadlay labadiisa saaxiib ee Shah Rukh iyo Salman guuldarada dhanka Box-officeka ay kala kulmeen wuxuuna yiri,” shaqsi walbaa wuxuu cunaa calafkiisa marka guusha kaliya in lagu xisaabtamo ma aha ee guuldaradana waa in lagu xisaabtama waayo guul iyo guuldaraba waad lakulmeysa mana ahan wax cusub waa wax dhamaantena aan inbadan lasoo kulanay.”

“inta badan anaga waxaan isku daynaa inaa guulesano sido kalena aan la imaano wax dadka qanciya oo ay jeclaadan marka marna waan guulesana marna waan guuldareesana midaan SRK iyo Salman lakulmeena waa wax iska caadi ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here