Mr. Perfectionist Aamir Khan waa kan ugu xulushada wanaagsan Bollywood-ka marka ay timaado fariimaha tayada wanaagsan ee bulshada dhaxal gal u noqon karaan sidoo kalena waaqici ah haatana wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa weyn Laal Singh Chhaadha ee sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah Forest Gump (1994) waxaana Aamir filimkiisa la daawan doonaa Christmas 2020 ama dabyaaqada sanadkan.

Sida caadiga ah Superstar-kan waqti badan ma galiyo adeegsiga baraha bulshada inkastoo akoono uu ku leeyahay wuxuu wax soo dhigaa oo kaliya marka uu ku dhawaaqiyo sameynta filimkiisa cusub ama xiliga la daawanayo mararka qaarna dhacdooyin muhiim ah marka uu qayb qaato ama arimo muhiim ah oo kaliya ayuu baraha bulshada soo dhigaa.

Balse dadka isaga wax ka sheegaan waxay ku dhaliileen Aamir Khan inuu gabay kaalintiisa dhanka baraha bulshada si uu dadka u jiheeyo xaaladaha marwalbana jiraana uu kala hadlo arimaha nolosha dhabta ama waxyaabaha fanka Hindiya markaas hadal heynta sameenayaan madaama jilaayaasha kale caanka ah si joogto ah baraha bulshada taageerayaashooda ula fal galaan.

Aamir Khan wuxuu yiri “Waxba ugama baahni baraha bulshada waayo waa meel qariban oo dadka ku doodaa balse aniga fariinteyda waxaan ku gudbiyaa aflaanteyda iyo sidoo kalena barnaamijyada aan TV-yada ka qabto waxaan jeclahay inaan marwalbo ku dadaalo doorashada fariimo dhaxal gal ah oo dadka anfici karaan ama tusaale u noqon karaan.”

Aamir Khan oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Waan aqriyaa dhamaan firkadaha dadka ka dhiibtaan baraha bulshada haddii ay i quseeyaan ama aysan i quseynin kuwa faa’iidada ii leh waan qaataa kuwa dhaliisha xambaarsana iyagana waan qaataa balse muhiim ma ahan inaan dadka si joogto ah ula fal galo waxaa ka wanaagsan dadka inaan fariinteyda iyo fikirkeyga wanaagsan xirfada la iigu yaqaano usoo gudbiyo sidoo kalena waxaan ku dadaalaa marwalbo murano aan loo baahneyn ee dhanka baraha bulshada ka socdaan inaan qayb ka noqonin.”

Aamir Khan ayaa ugu dambeyntii saxaafada u sheegay in doorkooda baraha bulshada ku leeyihiin uu yahay mid xumaan badan sidoo kalena saxaafada iyo kuwa aflaanta ka faaloodaanba xumaanta jilaayaasha aqristayaasha la wadaagaan halka ay wanaaga jilaayaasha la wadaagi lahaayeen wuxuuna sheegay dhibaatada ugu weyn baraha bulshada ka socoto inay saxaafada iyo kuwa aflaanta ka faaloodaan sabab u yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here