Home » . » Aamir Khan Oo Ka Hadlayo Qayamat Se Qayamat Tak” Kuma Faraxsanen Qaabkan U Sameyay Filmkaan”

Aamir Khan Oo Ka Hadlayo Qayamat Se Qayamat Tak” Kuma Faraxsanen Qaabkan U Sameyay Filmkaan”

Qayamat Se Qayamat Tak waa Film Big Hit ah oo ay hogaamiyaal ka ahayen Aamir Khan iyo Juhi Chawla sido kalena aqoonsi caalami ah ku heleen.

Mashruucan 30 sano ayuu jirsaday ama xiligii la daawaday 30 sano ayaa kasoo wareegatay, hadaba Aamir Khan iyo kooxda filmkaan ayaa dhowaan wareysi lala yeeshtay ayadoo wax laga weydiyay Aamir sido kalena sheegay in shaqadiisa filmkan uu ka qabtay ay cajabin weysay waxuuna yiri.

“Markaan daawaday filmkaan waxaan dareemay in aan si wanaagsan u sameynin oo wax badan iga qaldameen qaab jiliin ahaan waxaan aad oga helay shaqada quruxda badan ee Juhi filmkaan ka qabatay mudnaanta iyo libinta kowaad ee mashruucan iyada ayaa iska leh.”

“Ani ahaan waxaan dareema filmkaan qaab jiliin ahaan inaan wax badan ka qalday sido kalena kuma farxin markii ugu horeysay ee aan daawaday filmakan balse ma garanaayo dadka waxay bandhigeyga ku jeclaaden waxaa la dhihi karaa kaliya qaab jiliin ahaan waxna waan ku wanaagsana waxna sidii la rabay uma sameynin waa sida aan nafsad ahanteyda aaminsanahay.”

“Hadii la idhihi lahaa maanta dib usamey filmkaan wax badan oo maalinkii aan dubayey aan khalday ayaan maanta sixi lahaa balse 30 sano cid soo celin kartaa maleh waxanaa xusid mudan filmka aan sidaan qaab jiliinkeyga ugu dhaliilayo inuu yahay filmka kowaad ee bulshada hindiya maanta ugu jecelyihiin dhamaan filmada aan sameyay oo dhan.”