Bollywood Mr.Prefectionist Aamir Khan ayaa markii ugu horeysay dhexda ka galay kiis kufsi la xiriiira waxaana dhaliil xoogan usoo jeedisay atiriishada lagu magacaabo Geetika Tyagi waxayna xidigaan ku tilmaamtay mid 2-wajiile ah oo aan hal dhinac loo raaco laheen.

Sanadkii hore Bollywoodka waxaa ka bilaawday barnaamij loogu ololeeynaayey dumarka tacaddiga iyo gobood falka loo geesto waxaana loogu magac daray mashruucan Me Too Movement haweeney walbana waxay ku dhiiratay inee shaaca ka qaado xad gudub walba oo loo geestay waxaana hormuud ka ahed haweenkaan oo dhan atiriishada Tanushree Dutta.

Aamir Khan ayaa go’aansaday guud ahaan inuusan la shaqeyn doonin Ragga lagu eedeyay kufsiga dumarka maadama Bollywoodka lagasoo saaray atoorayaal, qarashgareyaal iyo Filimsameyaal fara badan oo magacyadooda Me Too lagu shaaciyay inee hada kahorna kufsi ama xad gudub dumar u geesteen.

Director Subhash Kapoor waxuu kamid yahay Ragga magacyadooda la shaaciyay oo waxaa eedeyeen Tanushree Dutta iyo Geetika Tyagi oo iyagu inuu ku xad gudbay sheegeen hada kahor xiliyo kala duwan kadihna Aamir Khan oo Filim la sameeyn rabay Directorkan sanadkii hore wuu iska dhaafay maadama nin ceeb dhexda kaga jira yahay.

Balse hadder go’aankii sanadkii hore dib ayuu kaga noqday waxuu hadder bilaawayaa inuu la shaqeyo isla Director-kaan midaasna waxay ka careysiisay atiriishada Geetika oo Aamir u carootay xushmadii ay u heysayna ay kala laaban doonto ayee sheegtay.

Waxay tiri iyadoo ka hadleysa arrinkaan,”sanadkii hore markii mudane Aamir iyo xaaskisa si cad u sheegeen ineysan abid la shaqeyn doonin qof kufsi iyo danbi lamid ah lagu heysto uguna horeeyo Subhash Kapoor run ahaantii aad ayaan ugu farxay go’aankooda waxaana garwaaqsaday inee dahabka Bollywoodka yihiin labadooda.”

“Balse waa mid aan ka xumaaday kana niyad jabay in Aamir go’aankiisa hore ka noqdo hadderna go’aansaday inuu la shaqeyo filim sameyahaas Subhash Kapoor lagu magacaabo waxaad tahay mudane 2-wajiile.”

“Ugu yaraan dadka ushaaci sababta aad go’aankaadii hore u bedeshay iyo haddii aad soo baartay inuusan wax danbi ah laheen ninka aad la shaqeyn doonto ama ka noqo go’aankan khaldan ee aad qaadatay intee goori-goori tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here