Waxaan horey u wada ogeen in Superstar Akshay Kumar saaxiibkiis Aamir Khan ku wareejiyay Christmas 2020 kadib markii Kumar filimkiisii Bachchan Pandey dib u dhigtay lana daawan doono 22 Jan 2021 waxaana lagu heshiiyay in Aamir filimkiisa Laal Singh Chaddha la daawado 25 Dec 2020.

Balse haatan dunida oo idil isbadal aan waxba laga qaban karin ayaa ku dhacay dhibaatadii Coronavirus-ka sababay awgeed sidaa darteed Aamir filimkiisa Laal Singh Chaddha ee Kareena ku wehlisay suurta gal ma noqon doonto Christmas 2020 in la daawado madaama shaqo badan dhanka duubista u harsan tahay waxayna u badan tahay in sanadka dambe daawashadiisa loo dhigi doono.

Haatan waxaa la ogaaday in Aamir Khan saaxiibkiis Salman Khan ku wareejinayo Christmas 2020 lana daawan doono filimka Radhe xiligaas madaama filimkan markii hore la daawan lahaa Ciidul Fitrigan ama todobaadkii hore balse daawashadiisa dib u dhac ayaa ku timid madaama tiyaatarada xiran yihiin.

Filimka Radhe oo Director ka yahay Prabhudeva marhore ayay duubistiisa soo idlaatay kaliya labo hees ayaa ka harsan waxaana la duubi doonaa marka xaalada caadi kusoo laabato sidaa darteed waxaa siweyn la isla dhex maraa in Aamir saaxiibkiis Salman ku wareejin doono Christmas 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here