Home » Box Office » Aamir Khan oo xaqiijiyay in filimka Secret Superstar gudaha China laga daawan doono

Aamir Khan oo xaqiijiyay in filimka Secret Superstar gudaha China laga daawan doono

Mr. Perfectionist Aamir Khan oo soo saare ka ah filimka Secret Superstar sidoo kalena muuqaal marti la fidiyay ku leh ayaa xaqiijiyay in filimkaan gudaha China laga daawan doono.

Aamir Khan dhul weynaha China shacbiyad balaaran ayuu ku leeyahay inta badana aflaantiisa halkaas ganacsi waali ah ayay ka sameeyeen sida 3 Idiots, Dhoom 3, PK iyo Dangal oo sanadkaan iskooro lixaad leh China Boxoffice ka sameeyay.

Inkastoo Secret Superstar Aamir door dhameestiran ku lehyn hadana taageerayashiisa reer China ayaa filimkaan soo dalbadeen wuxuuna Aamir yiri “Haa waa hubaal Secret Superstar bil ama labo bilood kadib gudaha China waa laga daawan doonaa”

Tani waxay u  noqon doontaa faa’iido weyn ganacsi ahaan filimkaan madaama uu gudaha Hindiya heerkii laga filaayay ka gaari waayay waxaa la rajeynaa inuu China Boxoffice ganacsi adag ka sameyn karo madaama Aamir halkaas taageerayaal xad dhaaf ah ku leeyahay”